IGAD oo faragelin ka badan kuwii hore ku haysa Dawlada Somalia- Tijaabo cusub .

30 October 2012 Waagacusub.com- Madaxweynaha Dawlada Soomaaliya Xasan Sheekh iyo xukuumadiisa ayaa la sheegayaa in lagu hayo faragelino ka badan faragelintii lagu heyn jiray dawladihii KMG ahaa ee soo maray dalka Soomaaliya, faragelimahaas ayaa la sheegayaa inay kamid tahay shir dawlad goboleedka IGAD uu ugu qabtay qaar kamid ah beelaha Soomaaliya magaalada Nairobi, shirkaas oo sida la sheegay looga arinsanayey maamul ay yeeshaan gobolada Jubooyinka iyo Gedo, shirkaan ayaa laga furay magaalada Nairobi ee dalka Kenya xili dalka Soomaaliya uu yeeshay dawlad rasmi ah oo la mida dawladaha xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD.

Kadib furitaankii shirkaas ayaa dawladda Somaaliya sheegtay in iyadu u samaynayso Maamulo KMG ah goboladaas, sidoo kale waxay dawladu sheegtay shirka ka socda Nairobi ee qabanqaabadiisa ay qeyb ka ahayd ururka IGAD inaysan la socon, uusana quseynin dalka Soomaaliya, kadib go,aanka kasoo baxay dawladda Somaaliya ayaa xubno ka mid ah odoyaal dhaqameedyada Soomaaliya iyo madaxa jabhadda diimeedka Raaskaambooni sheegeen in dawadda Soomaaliya aysan xaq u lahayn inay maamulo u magacaawdo gobolada Jubooyinka iyo Gedo.

Kadib isdhaafsigaas hadaladaas iska hor imaanaya ayaa la sheegayaa in Magaalada Muqdisho ay gaareen guddi ka socda urur goboleedka IGAD iyo guddi ka socda beelihii shirka uga socday Magaalada Nairobi, wadahadaladii Dawlada Soomaaliya, IGAD iyo guddigii ka socday kooxdii shirka uga socday Nairobi ayaa la sheegayaa in wadahadaladdii dhex maray la isku afgaran waayey, kadib markii IGAD iyo kooxdii shirka uga socday Nairobi ay ku qanci waayeen in Dawladda Somaaliya u dhaafaan arrimaha maamul u samaynta Gobolada Soomaaliya.

Isfaham waagaas oo jira ayaa masuulka ugu sareeya ciidamada Kenya ka jooga Jubooyinka ku dhawaaqay in UN ka codsanayaan in Soomaaliya laga qaado cunaqabataynta dhoofinta Dhuxusha ee la saaray guud ahaan Soomaaliya, iyadoo la sheegayo in dhuxul taalay dekeda Kismaayana ay raritaan ka bilaabeen Maamul is magacaabay oo hadda ku sugan Magaalada Kismaayo, dawlada Soomaaliya ayaa isla markiiba soo saartay in aan dhuxusha Soomaaliya la dhoofin karin , dawlada Soomaaliyana ay fulinayso go,aankii UNka ee cunaqabataynta dhuxusha ee Dalka Soomaaliya.

Ku dhawaaqitaanka sarkaalkaas hogaaminaya ciidamada Kenya oo hoos imaanaya hawlgalka AMISOM ee ay hogaamiso dawladda Ugandha ayaa muujinaysa faragelinta qaawan ee lagu hayo qaranimada dalka Soomaaliya.
Ciidamada Kaamboniyinta ee uu hogaamiyo Ahmed Madoobe oo mar gudoomiye ka noqday Shabaab ayaa la sheegayaa inay wadashaqeyn buuxda ka heystaan ciidamada Kenya oo sida la sheegay kamid ah AMISOM.

Taliska Kaambooniyiinta ayaa dhaqaale iyo Maalgelin badan lagu siyey inay ciidankooda ku xoojiyaan maliishiyaad ka soo jeeda beesha Ahmed Madoobe, maliishiyaadkaas oo isla markiba la siyo dharka cidanka iyo mushaaharaad si degdeg ah loogu bilaabo, mushaaraadkaa iyo qalabayntaa lagu samaynayo Kambooniyiinta Kismaayo ayaan la ogeyn wadamada bixinaaya qarashkaas la mariyay dawladda Kenya.

Dawladda Soomaaliya ayaa la sheegayaa in caqabadaha haysta ay ugu weyn tahay in Ciidamada Milateriga Soomaaliya ee hadda dhisani ay yihiin maliishiyo beeleed aan lahayn kala danbayn, iyadoo sidaasi ay tahayna aan ciidanka Soomaaliya la siinin Mushaar iyo taakulada kale oo joogta ah. Sidoo kalana Ciidanka Dawlada Soomaaliya ma ahan ciidan madaxbanaan oo dagaalo ka madax banaan AMISOM qaadi kara.

Arimaha Jubooyinka ayaa la sheegayaa waxyaabaha sii murjinaya inay kamid tahay ciidanka AMISOM oo joojiyey horumarki iyo xoreyntii lagu sii wadi lahaa inta u dhaxaysa Shalaanbood iyo Kismaayo.

Dagaaladii ku aadanaa dhankaa Kismaayo ayaa gebi ahaanba la jojiyey iyadoo ay hadda socdaan dhaqdhaqaaqyo aad u laciif ah loo qaadayo dhanka Baydhabo iyo Jowhar, iyadoo meelaha qaar sida Jowhar magaalada madaxda Shabeelada dhexe la sheegayo inay tahay meel cidlo ah .

Hakinta dagaalada dagaalka Shabeelada dhexe ayaa lagu sheegi karaa oo kaliya inay tahay arimo siyaasadeed, iyadoo la hubo in ciidanka tabarta daran ee Soomaliya uu ku filan yahay xoreynta Shabelaha dhexe, Hiiraan ilaa Galgaduud.

Magaalada Kismaayo oo ah magaalo muhiim ah lehna deked Caalami ah , dekedaas oo ah mid kamid ah 4ta dekedood oo uu leeyahay dalka Soomaaliya, 4taas dekedood oo 2 kamid ah ay kala maamulaan Somaliland iyo Puntland iyadoo 2 daas dekadood aan wax dhaqaalo ah kasoo gelin Dawladda Soomaliya, Dekada Kismaayo ayaa la sheegayaa haddii ay ku biirto 2da dekadood oo ka maqan gacanta dawladda Soomaaliya inay taasi ka dhigan tahay inay burburto Jiritaanka Dawladda Soomaaliya, maadaama ay taasi keenayso in Dekeda Muqdisho ay noqoto mida kaliya ee usoo haraysa Dawladda Soomaaliya oo dhamaan qabaailka Soomaaliya ay u dhan yihiin.

gobolada jubooyinka iyo Dekeda Kismaayo oo ka baxa gacanta Dawladda Soomaaliya ayaa ka dhigan ka taqalusida dawladda Soomaaliya oo markii ugu horeysay lagu sheegay in laga saaray KMG-nimada, Kismaayo oo lamid noqota Berbera iyo Boosaaso ayaa ka dhigaysa dawladda Soomaaliya mid cuuryaamisa , maamuladaasna waxay dalka Soomaaliya ka dhigayaan mid aan shaqeynin.

Sameynta Maamulka Jubaland oo la mid noqonaya Puntland iyo Somaliland ayaa micnihiisu yahay baabi,inta dawlada Soomaaliya oo markeedii ugu horaysay loo aqoonsaday dawlad rasmi ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh, Raisulwasaare Saacid iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof Jawaari ayaa arintani ku tahay tijabintii iyo burburintii ugu darneyd ee lala damacsan yahay sedexdaan masuul ee nasiibka u yeeshay inay hogaamiyaan dawlad Soomaaliyeed oo aan KMG ahayn sidii ay u burburtay dawladii Kacaanka ee Maxamed Siyaad Bare.

isku soo wada duube waxaa shacabka Soomaaliyeed ka warsugayaan sida ay uga dabaashaan sedexdaan masuul ee u dhaartay badbaadinta qaranka Soomaaliya weerarkaan lagu soo qaaday qaranimada Soomaaliya.

Advertisements

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s