Dowladdu Furinteeda Ma Dhoobley Ayey Ka Dhigeysaa Mise Ceelasha Biyaha?

Monday 29 October 2012 |  — In muddaa waxaan la socdey Doodaha Soomaalida ee ku aaddan Maamul Goboleed laga dhisayo Gobollada Labada Jubbo iyo Gedo oo la yiraahdo “Jubbaland State”.

Dadka kasoo horjeeda Maamul goboleedkaas doodohoodu waxey inta badan ku dul wareegayaan Kenya ayaa damac ka leh Soomaaliya iyo Gobolladaas ayaa Hal Qabiil loo qabanayaa, iyadoo dhab ahaanna ay yihiin Gobollo la wada dego.

Dhanka kalena dadka u ololeynaya waxey ku doodayaan in Nidaamka lagu heshiiyey oo lagu Qorey Dastuurku uu qeexayo in dalku yahey federal ayna labo gobol iyo wixii ka badani xaq u leeyihiin iney Maamul Goboleed sameystaan sida Maamulka Puntland ba u sameysatey iyo Somaliland markii goosashada meesha laga saaro.

Xaqiiqdu waa Dowlad Dhexe ma naqaane nagu kala wada

Haddaba Labada Qoloba arrin aysan ogeyn ama ogyihiine aysan kala jecleyn ayaa waxey tahey haddii dowladda Soomaaliyeed ay hadda oggolaato in Jubbaland la dhiso ineysan jireyn Dowlad dhexe oo dalka dowlad u wada ah.

Taas waxaa ka baddalnaan karta haddii dowladdu hir gasho oo iyadoo dalka xakunta oo xudduudaheeda xakunta oo shacabkeedana ka adag oo u talisa ay dalka si Maamul ah (Administrational) ay ugu sameyso Maamul goboleedyo iyada hoos yimaada oo ayna kala dhaxeyso sharciyo kala xaddidaya Awoodda dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada.

Dowladda “Jubbaland” waxey noqoneysaa haddii hadda la dhidbo mid la mid ah kuwa Puntland iyo Somaliland oo aysan dowladda dhexe ku laheyn siyaado (ka sarreyn) dhab ah, aysanna kala dhaxeyn wax wada shaqeyn ah oo ka badan Magac u yaal.

Markey Jubbaland sidaas noqoto oo halkaas istaagto awalna hore ay meel gooniya u taagnaayeen Somaliland iyo Puntland Dowladda dhexe markaas yey dowlad u noqoneysaa?

Waad riyooneysaa haddaad u qaadato iney intaas kaliya ku ekaaneyso arrintu!

Markii Jubbaland geestaas istaagto waxaa haddana shiraya sidii Jubbaland Digil iyo Mirifle iyo “Dowladaha Igad”  waxeyna ku heshiinayaan in la sameeyo “Maamul Goboleed” ka kooban Baay iyo Bakool iyo Shabeellada Hoose! Xataa Ceelasha Biyahu maamulkaas ayey raacayaan!

Markaasna waxa kaliya ood heli karto waa Dagaal ciddiyaha lagu dagaallamo oo dhex mara Dowlad Goboleedka Digil iyo Mirifle iyo Dowlad ku sheeg ka jirta Muqdisho oon heysan sharciyad ay kula dagaasho. Sababtu waxey tahey Digil iyo Mirifle ma aqbalayaan haddii Jubbaland la sameeyo iney kaligood ku hoos jiraan Muqdisho, isla markaasna Deked la’aan ma yeelayaan.

Marka waa iney Dekedda Marka ama Baraawe helaan oo sidaas ay dowlad jiri karta oo deked leh ku noqdaan.

Dowlad dhexe sidaas maku jiri kartaa?

Maya Dowlad dhexe sidaas kuma jiri karto waxeyna ku qasbantahey iney burburto oo ay Gobollada kale oo soo harey markaas soo dhacaan Dowlad la’aan. Markaas inta soo hartey oo halkaas Qabiil dego ama ha isku laayeen ama haku heshiiyeen oo ha dhisteen dowlad gooniya.

Sababta aysan dowlad dhexe u jireyn waxey tahey Qabaa’ilka Muqdisho dega iyo degaannada raacsan ma aqbalayaan in gobolladiina dakhligoodi la go’aan kii Muqdishana dowladda dhexe oo dadkoo dhan ka dhaxeysaa ay maamulato. Taas waxey dhalineysaa iney iyaguna ku dhawaaqaan maamul ka Madax bannaan Dowladda dhexe. Dakhliga Dekedda iyo Airportigana ay la wareegaan.

Waaqici ma ahan iyadoo Dowladdu aysan maamuleyn Dekadda Kismaayo dakhliga kasoo baxa iyo Deked kale oo Marka ama Baraawe laga furayo iyo tan Boosaso iyo tan Berbera iney Dowlad dhexe ahaato. Haddeysan dowladdu xakumin Kismaayo Dekeddeeda waxaa is fallisaya labada dekadood ee Kismaayo iyo Muqdisho.

Waana inaad xusuusnaato Muqdisho heykal Dowladeed oo baaxad weyn oo qarash badan ayaa fadhiya. Kismaayana Maamul Goboleed baahidiisu yartahey oo kooban ayaa fadhiya. Markaas Dekedda Kismaayo waxey sameyneysaa canshuur dhimis sidii Shabaabkuba sameyn jirey. Markaas ganacsatadu waxey wax kala soo degeysaa Dekedda Kismaayo. Laakiin haddey dowladdu Labada Dekadoodba maamusho iyadaa u maamuleysa qorshe isku hal meel u socda oon iska hor imaaneyn.

Iney Maamul Goboleedka Jubbaland dowladdu uga hor timaaddo si cad ayaa uga kharash yar iney oggolaato.

Wax xataa la is bar bar dhigi karo ma ahan labadaasi, waxaana dowladda iyo dadka soomaaliyeedba u fudud iney si cad uga hor timaaddo doonitaanka Kenya ee ku aaddan maamul laga dhiso Jubbooyinka.

Markaan dadka soomaaliyeed leeyahey kulligood oo xataa qabaa,ilka maamul goboleedkaas doonayaa ku jiraan ayaan ka wadaa. Sababtoo ah iney sidii Balkaankii iskugu dilaan qabaa,il iyo gobollo wax dan guud ah oo ku jirtaa ma jirto. Iney dowladda dhexe bur burtana dan guud kuma jirto. Danta guud haddey meesha ka baxdana tii gaarka aheydna way baxeysaa.

Haddaad maamulkaas Kenya wadato oggolaato waxaad u diyaar garoobeysaa mid kale oo Itoobiya dabada ka riixeyso xadkiisuna yahey Ceelasha Biyaha!

Dowladda iyo dadka hoggaamiya ayey u taallaa haddey furintooda ka dhigayaan Kismaayo iyo Dhoobleey iyo haddey ka dhigayaan Ceelasha Biyaha!

Waayeel hortiisaa caano lagu barxaaye  waa in waxa laga hadlayo wacyi loo leeyahey, ayna dadka u kala cadyihiin.

Qadiyaddu ma ahan reer hebelbaa Jubbooyinka wax ka dega iyo waa in qeybtooda la siiyaa iwm. Qabaa,ilka degaankaas Jubbooyinka wax ka dega iyaga waxaa u daran ineey helaan qeybtooda ee iyaga xil kama saarna iney kaligood ilaaliyaan madax bannaanida iyo midnimada dalka.

Dowladda ayaa taas xil ka saaranyahey,haddii maamulkaas aan dabarka laheyn la marsiiyana oo ay oggolaatana waxey noqoneysaa iney iyadu gacanteeda ku kala dirtey intii ka hartey dalka.

Jubbaland State in la diido Dagaal ayey baajineysaa

Dowladdu haddey diiddo iney shaabbadda Aqoonsiga saarto Jubbaland State Dagaal la geli lahaa ayaa sidaas ku baaqanaya. Sababtoo ah waxaa dowladda iyo qolyaha Jubbooyinka u dhaxeeya Shabaab. Waxaana dhici karta intii muddaa in xaalku sidaas iska ahaado oo ay Shabaabku u dhaxeeyaan dowladda iyo maamulka Kismaayo.

Sidaas haddii xaalku ahaado iyadoon dowladdu aqoonsi siin Maamul Goboleed ka kooban saddexdaas gobol, wuxuu maamul goboleedkaas la mid noqonayaa xagga status ka (wadciyadda) maamullada Ahlusunno ee Gobollada Dhexe meelo ka mid ah ka taliya, kan Ximan iyo Xeeb iyo kan Galmudug iyo xataa ku dare maamullada Shabaabku ka arrimiyaane ka jira meelo badan oo koofurta iyo bartamaha dalkaa.

Maammulladaasi dowladda kuma hayaan culeys siyaasadeed oo macno leh, jiritaankeedana ka dowlad ahaan waxba uma dhimayaan, waxeyna dowladdu ku tashaneysaa markey degaannadaas gaarto iyadoo awood leh ineysan jiri doonin awood dowladda looga hor yimaado.

Laakiin Jubbooyinka maamulkoodoo la aqoonsadaa wuxuu dhalinayaa waxa loo yaqaanno “domino effect” oo laga wado dhismo laga sameeyey dubnad oo markii hal xabbo laga bixiyo dhexda dhismihii dhammaantiis isla wada dumaya. Jubbaland haddaad aqoonsato waxaa si otomaatik ah ku xigaya maamul goboleed ay dalbadaan Digil iyo Mirifle.

Digil iyo Mirifle iney dowladdu Dagaal la gasho iyo iney xulafo ka dhigato waa mid iyada ku xiran!

Digil iyo Mirifle iyaguba xuquuq degaan iyo mid sheegasho ayey ku leeyihiin Jubbooyinka sida qabaa,ilka Muqdisho iyo Kuwa Markaba ugu leeyihiin. Oo waxbey ka degaan gobolladaas. Raallina kama ahan sida iska cad in maamul beeleed aan kooda aheyni la go,o gobolladaas. Sidaas darteed Digil iyo Mirifle ilaa waqti xaadirkaan la joogo waxey ku aragti iyo maslaxo yihiin inta badan qabaa,ilka kale ee diiddan maamul goboleedka Jubbaland oo Kenya waddo.

Laakiin haddii maamul goboleedkaas la aqoonsado arrintu way is baddaleysaa oo ceyru ceymo ma diiddee waxey dalbanayaan in iyaguna ay maamul ay gooni u leeyihiin ay ka dhistaan saddexda gobole Shabeellada Hoose, Baay iyo Bakool! Marka dowladdu haddey aqoonsatey Jubbaland oo u hoggaansantey rabitaankii qabaa,ilka qaar iyo Kenya miyey diidi kartaa hadhow rabitaanka Digil iyo Mirifle iyo Itoobiya?

Marka dowladda iyadey u taallaa haddey dooraneyso iska hor imaad Kenya iyo Axmed Madoobe ama mid Digil iyo Mirifle iyo Itoobiya? Iska hor imaad xudduuddiisu tahey Goobweyn iyo Kismaayo iyo mid xudduuddiisu tahey Ceelasha Biyaha iyo Afgooye!

Digil iyo Mirifle iyo qabaa,ilka kaleba xuquuq degaan oo qabiil ayey ku leeyihiin Jubbooyinka waana la wada ogyahey iney sidaas tahey. Dowladduna iyadoo taas ka faa,iideysaneysa ayey si sahlan oon xataa dhiig ku daadan balaayana ka dhicin ku baajin kartaa in dalka inta soo harta sidii Balkaanka la iskugu laayo. Domino effect ayuu dhalinaya maamulka Jubbooyinku ee waa iney dowladda iyo dadka siyaasadda u dhuun daloolaba u caddahey arrintaasi. Waa inaan doodda lagu koobin oo lagu indho beelin oo kaliya reer hebelbaa magaalo hebla dega, laf heblaa degta, qabaa,ilbaa maamulka wax ka dhisanaya iwm.

Dooddaas waxaa loo isticmaali karaa in lagu baajiyo rabitaanka maamul goboleedkaas ay dadka qaar iyo shisheeyuhu gadaal ka riixayaan. Laakiin arrintu xuquuq qabaa,il gooniya way ka culustahey oo dowladda dhan jiritaankeedaa miiska saran.

Qabaa’ilka aad u doodeyso haddii 80%  la siiyo iyaga oo la qanciyo waxaa ka khatarsan natiijada ka soo baxeysa oo ku xigta oo ah in Digil iyo Mirifle dalbanayaan saddex gobol maamul goboleedkood ay iyagu gaar u leeyihiin amaba aqlabiyad ka yihiin. Ee malla dagaaleysaa Digil iyo Mirifle oo Itoobiyana gadaal ka taagantahey mise iyagana waad ugu dhufaneysaa shabbadda sida Jubbaland oo kale?

Maamul goboleed ma ahane waa dowlado kala madax bannaane yeysan kaa hoos bixin!

Waxa laga hadlayo nuxurkoodu waa dowlad madax bannaan oo aan hoos imaan dowladda dhexe ee yaan laga il duufin. Haddey si kale tahey oo nidaam federal ah oo maamul goboleed caadiya ay tahey waa in aan xabbad dhafoorka la iskaga qabane ha lala sugo intey dowladdu ka shaqeyneyso oo ka sameynayso sharciyo isku dhaqa kalana dhaqa dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.

Waana in iyadoo sal muggi loo fadhiyo oo la miyir qabo dowladda dadka ka wada dhaxeysaa soo qeexdaa iyadu maamul goboleedyadu intey noqonayaan iyo xudduudahooda iyo sharciyo kala hagaya iyaga dhexdooda iyo iyaga iyo dowladda dhexe. Waa in afti la qaadi karaa markaas kaddib. Laakiin tan hadda socotaa waxaa weeye ka gaarsii inteysan dowladdu tabar yeelan.

Dowladdu haddaan Ilaahey xooggeeda bidixda ka tusin oo aysan marin habaabin waxey leedahey awood sharciyadeed. Laakiin waa iney u dhabar adeygaan madaxdeedu cadaadiska uga imaanaya caalamka kiisa dhow iyo kan dheerba. Sababtoo ah waxa xiga ayaa kasii culus cadaadiskaas.

Maamulladii sameysmey intaan dowladda la dhisin waxey ku dhismeen duruuf gooni ah. Qaabka ay u dhisanyihiinna ma ahan qaab caafimaad qaba oo la jaan qaadi kara qaran hal meel looga taliyo. Waa mashaakil xallintoodu ay sugeyso qaranka Soomaaliyeed.

Ma cadda lamana yaqaanno xudduudooda iyo awoodahooda. Mid ka mid ah si cad ayey ugu dhawaaqdey iney ka go,dey dalka intiisa kale waa Somalilande. Midda kalena waa Puntlande dowlad madax bannaan waxba ugama baddalna. Waxaa kaliya oo ka dhimman iney ku dhawaaqdo iyo in la aqoonsado.

Haddaba dowladda soomaaliyeed ma dhici kartaa cadaadis la saarey awgiis iney wadciyadaas aan caadiga aheyn oo kale ay oggolaato in laga sameeyo gobollada Jubbooyinka?

Haddey oggolaato waxna kama faa,iideyso wax bandanna way ku weyneysaa.

Ujeedkeygu waa inaan dhaliyo dood dhab ah oo arrintaas ku aaddan. Igumana jiraan wax naceyb ah oo bulshada soomaaliyeed qeyb ka mid ah aan u qabo. Laakiin in sidaas wax u dhacayaan ayaan saadaalinayaa ee haddii adigu aad si kale wax u aragto nagu biiri aragtidaada.

Haddaad adigu sidaas ay ila tahey si ka baddalan wax u aragto waa sidee?

Advertisements

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s