Daawo Sawir Cajiib ah oo laga sameeyay Tirada Golaha Wasiirada ay isku heestaan R/Wasaaraha iyo Madaxweynaha

Xili wali aan lagu dhawaaqin Golaha Wasiirada Xukuumada Cusub ee Soomaaliya lana sheegay dib u dhacaasi in ay sabab u tahay tirada golaha Wasiirada laga dhigayo ay isku heestaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo R/Wasaare Cabdi Faarax Sheyrdoon (Saacid) ayaa lasoo bandhigay sawir cajiib ah oo ka turjumaya ismari waaga labada dhinac.

Madaxweynaha iyo Xibigiisa ayaa iyagu doonaya in golaha Wasiirada aan laga badin ilaa 9-Wasiir inta ugu muhiimsana Wasiiradaasi ay qaataan rag katirsan Xisbiga iyo kuwa Siyaasad ahaan xisbiga uu Madaxweynaha Hogaamiyo ee PDP aan ka fogeen.

R/Wasaare Saacid oo isagu ka cabsi qaba hadii Golaha Wasiirada uu ku koobo 9-Wasaaradood in beelo badan mucaaradaan Xukuumadiisa sidoo kale Culees uu kala kulmo Baarlamaanka Ansxinta Wasiiradaasi oo laga yaabo in ay diidaan Baarlamaanka ,hadii labo mar ayna kuceliyaan Baarlamaanka oo diidaan Wasiirada uu soo dhisay R/Wasaaraha uu sidaasi isna daaqada uga baxo R/Wasaare Saacid sida uu sharciga qabo.

Hada Murankaasi taagan ayaa Sawir cajiib ah waxaa kasameeyay Kartooniistaha caanka ah ee Amin Arts oo soo sawiray Qaranka oo dhiig baxaya iyo labada Masuul ee Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha oo isku mashquuliyay muran ku aadan tirada laga dhigayo Golaha Wasiirada xili uu dalku ku jiro dagnaansho aan cago adag ku taagneen.

Wali lama oga tirada laga dhigi doono Golaha Wasiirada Cusub ee la isla dhaxmarao in 9-laga dhigayo halka warar kalana sheegayaan in laga badin doonoloona badinayo in laga dhigo tiradii hore ee 18-ka Wasiir ama tiro kale oo 9-Wasiir ka badan.

Afayeenka Beelaha Hawiye oo Dowlada Cusub ee Soomaaliya ka Codsaday aan laga yareyn Golaha Wasiir 18 Wasaaradood

Nabadoon Axmed Diiriye Cali ahna Afayeenka Odayaasha Beelaga Hawiye ayaa baaq u diray Dowlada cusub ee Soomaaliya , kaasoo ku saabsan Xukuumada cusub ee La soo dhisi doono.

Axmed Diiriye oo la hadlay Idaacada Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu baaq u diray Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Dr Saacid , wuxuuna ka dalbaday in xukuumada la soo dhisayo aan laga yareyn 18 wasiir , isagoo sheegay inay tahay xal wanaagsan oo wax loogu qeybin karo Beelaha Soomaaliyeed.

Afayeenka Beelaha Hawiye ayaa sheegay in loo baahan yahay in la soo dadajiyo magacaabista Golaha wasiirada , maadaama dalku uu wali helin xukuumadii shaqeyn lahayd.

Axmed Diiriye ayaa sheegay in dalka looga baahan yahay inuu ka dhaco Isbadal siyaasadeed , kaasoo wax wanaagsna soo kordhinaya.

Ugu dambeyna Axmed Diiriye oo ka mid ah Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ayaa shaaciyay in markasta ay Talo siin doono Dowlada cusub ee Somaliya , isagoo sheegay inay garab taagan yihiin sidi dalka loogu heli lahaa xal iyo nabad waarta.

Advertisements

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s