Prof. Jawaari: Dastuurka Cusub Dib u Eegis ayaan ku Sameynaynaa

29 October 2012 –  Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa markale waxa uu ku celiyey in dhawaan dib u eegis lagu sameyn doono dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya, isla markaasna waxyaabo badan laga bedeli doono, sidoo kalena lagu dari doono waxyaabo kale oo ay isleeyihiin muhiim ayey u tahay ummadda.

Guddoomiye Jawaari waxaa kale oo uu sheegay in odayaashii dhaqanka ee soo xulay ergadii ansixisay dastuurka ay u igmadeen inay dib u eegaan dastuur, wuxuuna intaasi ku daray in la sameyn doono Guddi Baarlamaani ah oo qaabilsan dastuurka iyo qubaro, kuwaas oo saxaya sida uu yiri eegayana waxa u baahan in la saxo ee dastuurka ku jira. Sidoo kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya waxa uu sheegay in hadda dastuurka dalka lagu muujiyey in Muqdisho ay tahay caasimadda dalka oo markii hore aanan lagu qorin, taas oo ka timid sida uu yiri soo jeedintii Odayaashii dhaqanka iyo ergadii ansixiyey dastuurka.

“Dhawaan waxaan sameyn doonaan Guddi Baarlamaani ah oo qaabilsan dastuurka iyo qubaro, kuwaas oo saxaya dastuurka, Odayaashii soo xulay ergadii ansixisay dastuurka waxay noo fasaxeen inaan dib u eegis ku sameynayo sida uu sharcigu dhigayo dastuurka oo ah mid KMG ah dib u eegis ayuu ku sameynayaa Baarlamaanka wax kasta oo uu u arko inay qalad-yihiin amaba ay ka horimaanayaan jiritaanka Soomaaliyeed iyo diinta Islaamka waan ka saareynaa, waxaana ku dareynaa wax kasta oo aan u aragno inay faa’ido ugu jirto ummadda Soomaaliyeed” ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Dhinaca kale wasiirkii hore ee dastuurka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil oo isna ka hadlay hadalka ka soo yeeray Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo in dib u eegis lagu sameeyo dastuurka, isla markaasna wax laga bedelo waxna lagu daro.

Advertisements

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s