Muran Xoogan oo ka taagan Tirada laga dhigayo Golaha Wasiirada iyo Qaar kamid ah Beelaha Waa weyn oo laga yaabo in ay ku qadaan Golaha Wasiirada

October 29 2012 – Waxaa wali meel xasaasi ah maraya la iskuna mari la’yahay Tirada ay noqonayaan Golaha Wasiirada Xukuumada Cusub ee Soomaaliya taa oo la filayo in dhawaan uu ku dhawaaqo R/Wasaare Cabdi Faarax Sheyrood (Saacid)

Waxaa soo baxaya Warar ku aadan in Madaxweynaha Soomaaliya iyo Xisbigiisa ku taliyeen in Golaha Wasiirada aad loo koObo lana yareeyo si aysan hadhow Xisbiga ugu badan Wasiirada Xukuumada Cusub rag siyaasad ahaan kasoo hor jeesan kara ama ka hor imaan kara sida ay wax u rabaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaana kula taliyay R/Wasaaraha in golaha Wasiirada laga dhigo ilaa 9-Wasiir inkastoo lasoo sheegayo in arintaasi uu ku gacan seeray R/Wasaare Saacid uuna dhankiisa soo jeediyay in tiradaasi laga badiyo.

Magacyada Golaha Wasiirada Xubnaha kamid noqonaya ayaa inta badan horey u diyaarsanaa waxaana lagu waday in xili hore lagu dhawaaqo balse waxaa dib u dhac ku keenay arinkan ku aadan in la yareeyo Wasiirada laguna soo koobo ilaa 9 Wasiir ama ugu badnaan 14-Wasiir.

Qaar kamid ah Beelaha waa weyn ayaana daaqada ka bixi doono hadii Golaha Wasiirada Sagaal lagu koobo kuwaa oo hada durba bilaabay in ay kasoo horjeestaan qorshaha lagu doonayo in lagu yareeyo Golaha Wasiirada.

Qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaana kasoo horjeeda in golaha Wasiirada lagu soo koobo 9-Wasiir lana xaqiro beelo xaq u lahaa in Wasiiro helaa taa badalkeedana eeda dusha ka saaray Xisbiga Madaxweynaha ee sheegeen hadii iyagu heleen kuraastii ugu muhiimsaneed ee Madaxtinimada dalka in dadka kale ay iska iloobeen waxna u ogoleen.

Beelaha daaqada ka bixi doono hadii Wasiirada lag dhigo ilaa 9-Wasiir waxaa kamid ah Beesha Murusade oo kamid ah Beelaha Dega Magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah Gobolada Dalka ,waxaana saami ahaan Golaha Wasiirada hadii 9-Wasiir lagu koobo heli doonaan labo Wasiir kuwaa oo loo qorsheeyay Beesha Xawaadle iyo Beesha Habar gidir in lakala siiyo.

Waxaa sidoo kale jira beelo kale oo iyana daaqada ka bixi doono saaxada siyaasadana iska waayi doono hadii Wasiirada Cusub lagu soo kobo 9-Wasiir kuwaa oo kazoo kala jeeda 4-beel iyo barka , inkastoo wali aysan arintaasi aheyn mid la isku raacay in 9-ka Wasiir Golaha Wasiirada laga dhigo.

Waxaa Xarunta Madaxtooyada hada kasocda Wadatashiyadii ugu dambeeyay ee ku aadan tirade Golaha Wasiirada Xukuumada Cusub iyadoona R/Wasaaraha uu ku adkeesanayo in laga badiyo Golaha Wasiirada 9-Wasiir maadama ay meesha ka baxeyso awood qeybsiga beelaha Soomaaliyeed qaarkood.

Walina ma jiro tiro rasmi ah ay isku afgarteen Madaxda dalka in laga dhigo Golaha Wasiirada waxaana suurto gal ah in dib u dhac ku keento arintan magacaabista Golaha Wasiirada oo la filayay in saacadaha soo aadan lagu dhawaaqo.

Advertisements

1 Comment

  1. Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo R/Wasaaraha Cusub uga digay in Golaaha Wasiirada uu ka dhigo 9-Wasiir

    Xili ay soo baxayeen Warar ku aadan in laga yaabo in Golaha Wasiirada Xukuumada Cusub ee Soomaaliya aad loo koobo lagana dhigo ilaa 9-Wasiir ayaa arintaasi waxaa ka hadlay kana digay qaar kamid ah Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed.

    Nabadoon Maxamed Xasan Xaad Gudoomiyaha Dhaqanka iyo Midnimada Beesha Hawiye ayaa uga Digay R/Wasaaraha Somalia Cabdi Faarax Saacid in uu soo dhiso Xukuumad yar oo ka kooban ilaa 9-wasiir

    ‘’Madaxda Dowlada waxaan leenahay waxaad heesataan Fursad badan mana ahan in 9-Wasiir lasoo dhiso Soomaali uma qeybsanto marka R/Wasaaraha waxaan ugu baaqi laheyn in uu arintaasi ka fiirsado isbadal kalana la yimaado Wasiiradana uu kor dhiyo’’ ayuu yiri Nabadoon Xaad.

    Maxamed Xasan Xaad ayaa sidoo kale sheegay inaysan jirin xaalad ku adkeyn karta in Golaha Wasiirada ee imaanaya laga dhigo 9-wasiir isaga oo codsi ujeediyay madaxda dowladda oo ku aadan in tiradaasi la kordhiyo.

    Hadalka kasoo baxay Nabadoon Xaad ayaa kusoo aadaya xili Warar aan la hubin oo suuqa kujira sheegayaan in laga yaabo in Golaha Wasiirada la dhisayo ka koobnaadaan 9-Wasiir arintaas oo la sheegay imn uu gadaal ka riixayo Madaxweynaha.


Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s