Sidee Dalka Soomaaliya Looga Saari Karaa Liiska Dowladaha Fashilmay ee Caalamka !!

October 24, 2012 |  Xalka dhibaatada ka jirta ama heysata dadka soomaaliyeed laguma soo koobi karo maqaal kaliya laakin waxaan isku dayayaa intii aan awoodo inaan iftiimiyo ilaa xad, walow wax kasta oo caalamkan ka jira uu allah xalkooda haayo

Soomaaliya wexey hormuud u tahay wadamada aduunka looga yaqaano dowladaha fashilmay oo eey safka hore kaga jirtaa waxaana taa sabab u ah soomaaliya oo aan leheen dowlad awood leh ilaa dhicitaankii dowladii kacaanka ee mudane marxuum maxamed siyaad bare sanadii 1991kii.

waxaa kaloo ka mid ah waxyaabaha fashiliyey shacabka soomaaliyeed iyo dowladooda ba dagaalo sokeeye oo ahli ah iyo qabyaalad jeceyl oo waliba qabiilka uu aasaasi ka noqday dhaqanka umada soomaaliyeed ama muqadas.

Soomaaliya ayaa moodaa hada sidii hore iney wax xoogaa ah dhaanto taasna uu mahadeeda allaah leeyahay markastana umada waxaan u sheegayaa inaan laga quusan naxariista allaah.

qodobadan soo socda waa qodobo aan is leeyahay hadii sida eey tahay loo fuliyo waa laga gudbi karaa dhibaatadan xidideeysatay ee ku habsatay dalka iyo dadka soomaaliyeed:

1} In la helo dowlad caadil ah dadkana ku dhaqda kitaabka allah

2} In la helo hogaan u qalma inuu dalka hogaamiyo lehna karti hogaamineed sida madaxweyne aan caajis badneen aan jilcaneen misna aan ad adkeen laakin ah madaxweyne dhaxdhaxaad ah lana jaan qaadi kara caalamka casriga ah.

3} In la helo ra’isul wasaare firfircoon soona dhisa xukuumad tayo leh ileen waxa fashilyey xukuumadihii hore waa gole wasiiro aan tayo leheen oo kaliya magac ku joog ah taasna in laga foojignaado.

4}In laga shaqeysiiyo xafiisyada iyo xarumaha wasaaradaha oo eey dadka helaan tacaamul toos ah iyaga iyo xukuumada oo aan loo kala tarjumeynin.

5} In la dhiso hey’adihii aminiga qaranka iyo difaaca si loo helo ciidan qaran oo xoogan sida ciidankii xooga dalka soomaaliya oo sumcad ku dhex lahaa caalamka gaar ahaan afrika loogana maarmo ciidamada shisheeye sida kuwa amisom.

6} In lala dagaalamo musuqmaasuqa iyo is daba marinta maxaa yeelay waxa wadankeena fashilieyey waxaa kow ka ah musuqmaasuqa oo waxaa yaraaday dadkii eey ku jirtay ruuxii wadaniyadnimo iyo alla ka cabsiga oo inta badan dadka umada horbooda ama hogaamiya ayaa jeebka iska geshta wixii wadanka iyo dadka wax loogu qaban lahaa.

7} In la hormariyo ilaha dhaqaalaha iyo caafimaadka taasoo muhiim u ah dhamaan dadka gaar ahaan danyarta.

8} Ugu dambeyn in la helo dad diyaar u ah waxaas aan soo sheegay oo waxaa lagu xantaa dadkeena soomaaliyeed ineey la qabsadeen dhibaatada iyo rafaadka eeysan weli u bisleen nabada iyo hormarka intaba.

Waxaasoo dhan waxaa sahli kara dowlada haatan la wada sugaayo oo looga fadhiyo howl adag maadaama uu wadanka u baahanyahay shaqo adag si looga saaro liiska wadama fashilmay.

Ubadkii Wadankeena & Aayihii Ummadeena

Aduunyadu waxay kujirtaa tartan loo tartamayo dhaqaale,horumar ,awood iwm,ummadeena Soomaaliyeed oo xaqiiqdii kahartay tartanka 20 sanoo lasoo dhaafay noqotayna ummad tusaale loosoo qaato marka laga hadlayo Jahliga, nabadgalyo xumida ,gaajada iwm. Ayaa waxaa soo iftiimaya isbedal rabitaan horumar.

Iyadoo ay uu muuqato ,ummadaSoomaaliyeedna laga dareemayo hiddidiilo iyo hami ka guuxaya inay kagudbaan dowlad la,aanta raagtay ayna dhalatay dowlad taam ah oo si xalaala lagudoortay ,ayaa waxaa is weydiin mudan waa maxay mustaqbalka dhalinyarada Soomaaliyeed,iyadoon shaki kujirin in horumarka la hiigsanayo in ay kow ka noqdaan in lasoo saaro dhalinyaro xayi ah oo miyir qabta, oo latartanta dhalinyarada Aduunka.

Hadaba sawirka kamuuqda muqdisho iyo dhibaatada Qaadku kuhayo dhalinyarada soomaaliyeed ayaa waxaa la oran karaa macquul ma aha in horumar lagaaro.

Waxay dowladaha dariskeena ahi dadaal xoogan ugu jiraan sidii loo kordhinlahaa Qaadka wadankeena lageeyo iyo in lagu fidiyo bulshada Soomaaliyeed oo dhan ,miyi iyo magaalo, dhalinyaro iyo ciroole, rag iyo dumar, inay ummada Soomaaliyeed noqoto kuwo laasima Cunista qaadka ooo aysan bulshada Soomaaliyeed marna madaxa kor uqaadin.

Qaadka oo ah hub loo adeegsado in lagu burburiyo qoysaska Soomaaliyeed ,lagu dhumiyo Tarbiyada aasaasiga ah ee caruurta, dhanka kalana in lagu curyaamiyo dhalinyarada Soomaaliyeed , dhaqaalaha wadankana lagu gurto diyaarado maalin kasta. Ayaa waxaa laga warsugayaa madaxda Soomaaliyeed inay arintaas aadka u balaaran ay wax kaqabtaan , laakiin waa ayaan daro weyn in la iska indho tiro,dhagahana laga furaysto dhawaaqa kasoo yeeraya wax garadka Soomaaliyeed. Oo ku aadan in laga hortago dhibaatada balaaran ee Qaadku kuhayo dalkeena iyo Da’yarteena.hadaanu nahay bahda ladagaalankla Qaadka waxaan kacodsanaynaa masuuliyiinta iyo Madaxda Soomaaliyeed inay arintaas tilaabooyin cad-cad kaqaadaan.

Advertisements

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s