Dood Kulul oo Ka Socota Fadhi Baarlamaanka Soomaaliya uu Ku Leeyahay Muqdisho (Maareynta Dakhliga Dalka oo Laga Hadlayo)

Wednesday, October 24th, 2012 – Muqdisho (Moment Media Group)  Dood kulul ayaa weli ka socota kulankii mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya saaka uga furmay xarunta golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho kaasoo maanta looga hadlayomisaaniyad saddex bilood ah oo ay dhowaan keentay wasaaradda maaliyadda.

Guddi farsamo oo ka tirsan baarlmaanka oo loo saaray inay soo eegaan miisaaniyadan ayaa saaka ugu horeyn warbixin siiyey baarlamaanka.  Waxaana waxyaabihii ay guddigan soo bandhigeen ka mid ahaa in miisaaniyada aysan u qorneyn qaab cad uu muujinaya sida kharashaadka loo maareynayo.

Guddigan waxay kaloo sheegeen inaysan imaanin xubno ka socday wasaaradda maaliyada oo ay la soo kulmeen, hase yeeshee baarlamaanka looga fadhiyo inay go’aan ka soo saaraan miisaaniyadan oo ku saleysan saddexda bilood ee soo socota.  [AKHRI Miisaaniyada saddexda bilood ee barlamaanka la geeyay] 

Doodan oo bilaabatay saaka ayaa qadar la galay nasasho xilligii Salaada Duhur waxaana mudanayaasha baarlamaanka ay dib isugu soo laabteen Salaada Duhur kadib.

Qaar ka mid ah xildhibaanada oo isu qoray inay ka hadlaan miisaaniyadan saddexda bilood ayaa dhaliilo ka keenay lacagaha la soo sheegay ee ku yaalla miisaaniyada oo ay sheegeen in la soo cadeeyo.

Sidoo kale waxaa dood ay ka timid hay’ado aan dastuuri ahayn oo dawlada ku dhex jira oo iyaguna kharashaad badan ay ku baxaan, sida hay’adda Maareynta Musiibooyinka, Hay’adda la Dagaalanka burcad badeeda iyo Guddiga Ka Hortagga Musuqmaasuqa oo dhamaantood aanu jirin baarlamaan ansixiyey.

Cadadka guud ee miisaaniyadan saddexda bilood ah ayaan weli saxaafadda la tusin.

Lacagta baasaboorka iyo shirkadaha ajnabiga

Xildhibaanada waxay kaloo si kulul u weerareen qaabka loo qaado lacagaha baasaboorka dalka oo la dhigo “account xisaabeed” ka furan shirkadda Dahabshiil oo ah shirkad gaar loo leeyahay, waxayna mudanayaasha baarlamaanka soo jeediyeen in lacagta baasaboorka loo wareejiyo Bangiga Dhexe ee dalka, lana helo xisaabcelin joogto ah.

Mar la soo qaaday shirkadaha ajnabiga ee dalka jooga ayaa xildhibaano ka hadlay waxay soo jeediyeen in la helo tirakoob guud oo ku saabsan waxa ay qabtaan shirkadahaasi, dakhliga dawlada ka soo gala iyo miisaaniyada guud ee ay iyagu ku shaqeeyaan si dawlada ugu ogaato.

Doodan ayaa weli socota waxaana suurtagal ah in maalmo kale ay sii socoto sida uu sheegayo wariyaha Raxanreeb, waxaase la filayaa in gabagabada uu go’aan ka soo baxo.

Advertisements

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s