Madaxweynaha oo R/wasaare Magacaabay

Muqdisho (Moment Media Group) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Daqiiqadaan si rasmi ah ugu dhawaaqay Cabdi Faarax Shirdoon Garaad (Saciid) Ra’isulwasaaraha cusub ee Soomaaliya. Cabdi Faarax ayaa ah Raysal wasaarihii 5-aad tan & markii Dowladda Federlaaka la dhisay Sanadkii 2004. Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa ah Ganacsade ku noolaa Dalka Kenya waana Shaqsi ku Cusub Siyaasada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa magacaabista ra’iisul-wasaaraha kaga dhawaaqay xaflad haatan ka socota xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho.

Taariikh Nololeedka R/wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Oo Kooban+Sawiro

Saacid Faarax Garaad wuxuu sanadkii 1958 ku dhashay magaalada Dhuusamarreeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Dr Cabdi R/wasaaraha dalka waxa uu ka qalinjabiyay jaamacadii  Ummadda Soomaaliyeed ee Gaheyr sanadka markii uu ahaa 1983, taas oo uu ka qaatay shahaadada Baajulaar ee dhaqaalaha.

Saacid ayaa sanadii 1983 ilaa 1985 kasoo shaqeeyay wasaaradii maaliyada iyo beeraha oo uu ka ahaa dhaqaal yahan halkaas uu 1985 u wareegay ganacsiga gaarka loo leeyahay waxa uuna la soo shaqeeyay shirkadii lagu magacaabijiray Bretton woods instatutions isla markaana uu ahaa aas aasihii iyo milkiilihii shirkada loo yaqaano shirdon international Ltd ilaa 1991.

Dagaalkii sukeeye ee ka dhacay dalka  sanadka markii uu ahaa 1991 ayuu u guuray magaalada Nairobi ee wadanka Kenya markaas oo uu noqday aas aasihii iyo milkiilihii shirkada looyaqaan shitreco Ltd iyo Shaam. R/wasaaraha cusub ee dalka ayaa ahaa mudadii uu burka jiray shaqsi u dhuun duleela siyaasada dalka Soomaaliya hadba meesha uu mareyso.

Dr Cabdi Faarax Shirdon ayaa loo doortay May 2012 guddoomiyihii ugu horeeyay ee golaha rajo forum. Saacid waxa uu leeyaha 4 caruur ah iyo xaas waxaana xaaska R/wasaaraha lagu magacaaba Caasha Xaaji Cilmi oo ka tirsan xildhibaanada Soomaaliya.

Wixii Faahfaahin ah kala soco Moment Media Group

Advertisements

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s