Mudane Madaxweyne Sare Baaqa bulshada maka bogatay ???

05.10.2012 – Madaxweynaha Soomaaliya oo Wareysiyo la yeeshay Xubnaha u taagan Qabashada Jagada Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan la yeeshay saddex murashax oo ka mid ah 11 xubnodod oo lasoo xulay labaatameeyo xubnood oo xilka ra’iisul wasaaraha u taagnaa, iyadoo lagu wado in madaxweynuhu uu ra’iisul wasaaraha ku dhaawaqo inta lagu gudo jiro 48-ka saacadood ee soo socda.Xubnaha uu madaxweynuhu kasoo reebay xubnihii isku soo taagay qabashada xilka ra’iisul wasaarenimo ee Soomaaliya ayaa la sheegay inuusan ku jirinra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka mid ahaa siyaasiyiintii sida weyn loo filayay in xilkan loo magacaabo.

Murashaxiinta ugu cad-cad ee uu madaxweynuhu la kulmay ayaa waxay kala yihiin: Cabdulqaadir Faarax Shirdoon (Saacid) oo ah ganacsade deggen dalka Kenya, kana mid ahaa xubnihii wax ka dhisay xisbiga Rajo iyo xisbita nabadda iyo horumarka ee uu kasoo jeedo madaxweynaha Soomaaliya.

Cali Ciise Cabdi oo isna ah mas’uul horay uga soo shaqeeyay Bankiga Adduunka isla markaana deggen dalka Itoobiya, waxaana mas’uulkan olole ugu jira inuu xilkaas qabto maamulka Khaatumo oo uu deegaan ahaan kasoo jeedo.

Sidoo kale, waxaa ka mid ah xubnahan wasiirkii qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Puntland, Cabdulqaadir Cabdi Xaashi oo ah mas’uul in badan siyaasadda kusoo jiray, waxaana lagu xusuustaa inuu sare u qaaday xiriirka Puntland iyo dalalka kale ee caalamka markii xilkan loo magacaabay.

Xubanahan saddexda ah ayaa waxay ugu cad-cad yihiin 11 xubnood ee madaxweynaha uu kasoo saaray xubnihii tirada badnaa ee damaca uu kaga jiray qabsahada xilka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu ra’iisul wasaaraha ku dhawaaqo labada casho ee soo socota, iyadoo xilligii uu haystay ay ka dhiman tahay wax ka yar hal toddobaad.

Shacabka soomaaliyeed oo ku kala sugan daafaha dunida baahi baahsana u qaba soo xulista Raisul wasaaraha Cusub ee Xukuumadda uu hogaanka u haayo Madaxweyne Prof Xassan Sheikh ayaa iyagu baaq iyo bayanba u diraaya in Madaxweynaha Aqoonyahaanka iyo Siyaasadaba isku darsaday uu soo dadajiyo Magacaabista Raisul wasaare qaran qabyaaladuna ka maran.

Kumanaan Shacab soomaaliyeed ee kunool daafaha duniya oo isugu jira kuwa aqrista warbaahinta qoraalka ‘’Webseedada’’ ayaa habeen iyo maalinba dul fadhiya Interneedka waqtina ku lumiyay si mar qurah ay u helaan Masuulka loo magacaabay Raisul wasaaraha Somalia.

Dadka iyo dalka Soomaaliyeed oo iyagu Ehel u noqoday Bur-bur Baahsan ayaa iminka u hanqal taagaya in Madaxweyne Xassan Sheikh uu kasamata bixiyo dhibaatadaasi baaxada weyn Bulshada soomaaliyeedna ku kala fardhisay Caalamka oo idil inta ay ka cararaayen Dagaalada dalka Aafeeyay.

Mudane Madaxweyne waxaa tahay Dhaayaha Bulshada, waxaa tahay mudane sare dhaliilna ka Fog Bulshadu waxa ay ku qabaan baahi baahsan Dhowrsano waxa ay saadalin jireen Mudane Ceynkaaga ah hayeeshe wey suura gashay, Bulsha weynta Soomaaliyeed waxa aad ka habsaamisay Magacaabista Raisul wasaare Qaran waxan filaaya fariimaha Bulshada inadan ka bogan balse aan kusoo gudbiyo madaxweyne Codka Bulshada.

NB. Bulshadu wey dhibantahay baahi baaxadweyn aye ku qabaan waxa ayna Codsanaayan inad fuliso Qodobada kala ah ;-

  1. 1- Soo dadajinta Magacaabista Raisul wasaare Qaran qabyaaladuna ka madaxbanaan
  2. 2- Magacaabista Raisul wasaare ku xeel dheer wadaniyada,qaranka,siyaasada, kana fogaada waxyaabaha diinta ay naga fogeysay
  3. 3- Bulshadu waxa ay ku baahday Dunida oo idil taasoo ay sababtay dagaalo Aafeeyay dalka iyo dadka loogana baahanyahay inad ka samata bixiso arimahaasi oo idil

Mudane Madaxweyne talo waa tii rabi Ee Bulshadu waxa ay kugu baaqayan inad xulato Raisul wasaare Daacad ah dalka iyo dadka aan kala soocin kana fiirsato waxa uu yahay adiga oo tixraacaya Rabitaanka Bulshada

Gabagabadii iyo gunaanadkii Bulshadu wey daashay waxa ayna isweydiinayan halka aad kala imaan doonto Raisul wasaaraha aad soo wado dal iyo dibad waxa ayna ka dhowr sugaayan ku dhawaaqida aan lasoo tiiceyso.

Cali Maxéd Axmed “Cabdiweli Gaas waxaa si cad loogu sheegay in wasiirka 1-aad laga dhigi doono Mareexaan ama Dhulbahante”

Cali Maxéd Axmed oo ah siyaasi ku xeeldheer arrimaha Soomaaliya, ayaa sheegay in R/wasaarihii hore ee xukuumadda federaalka Prof. Cabdiweli Gaas ay la soo gudboonaatay xaalad uu ku tilmaamay labbo darran mid dooro (Dillema), kadib markii kulan uu la yeeshay madaxweynaha dowladda federaalka Prof. Xassan Sheekh si cad loogu sheegay in madaxweynuhu qorsheynayo in xilka R/wasaaraha u magacaabo shaqsi ka soo jeeda beelaha Mareexaan ama Dhulbahante.

“C/weli Cali Gaas wuxuu ka mid ahaa xukuumaddii Tayo, xukuumaddaas waxaa R/wasaare ka ahaa Maxéd Cabdullaahi Farmaajo, markii uu khilaaf soo kala dhexgalay saddexdii xubnood ee dowladda ugu sarreeyey waxaa la abuuray wax la yiraa Road-map, Cabdiweli wuxuu ku balan furay saaxiibadii oo ka tirsanaa dowladdii Tayo, wuxuuna si gaar ah dhagar uga galay wasiirkii 1-aad oo ahaa saaxiibkiisii Maxéd Cabdullaahi Farmaajo, xalay markii loo sheegay in wasiirka 1-aad laga dhigo doono dad ka soo jeeda Gedo ama Laascaanood wuxuu ka codsaday madaxweynaha in aanu Farmaajo magacaabin, haddiise uu cid kale magacaabayo uu soo dhoweynayo” ayuu yiri Cali Maxéd Axmed oo soo qaatay mahamaahdii aheyd (Nin daad qaaday xumbo cuskay).

Cali wuxuu sheegay in wixii lagu magacaabay Road map-ka in ay waxyeelo ka soo gaartay xubno ay ka mid yihiin Sheekh Shariif, Shariif Xassan, Caalin, shaqsiga keliya ee ka harsan dadkii saxiixay Road-map-ka inuu yahay Faroole, wuxuuna tilmaamay in Faroole 2 billood kadib isaguna uu qaadi doono waddadii ay mareen xubnihii ka horreeyey.

“Ummadda ku nool Puntland waxey u baahan yihiin badbaado iyo in laga xorreeyo Faroole si ay ula jaan-qaadaan dowladda rasmiga ah“ ayuu yiri Cali Maxéd Axmed.

======================

The only reason for being a professional writer is that you can’t help it.Prof.Ibrahim

Advertisements

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s