Muxuu Sugayaa Madaxweynuhu?! Ma intaan oodhan Ra’isul Wasaare miyuu Raadinayaa

Oct. 04, 2012 Moment Media Group -Tan iyo intii ka dambeysay markii ay xubnaha baarlamaanku u doorteen jagada madaxweynenimada Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud,  oo hadda muddo bil ku dhaw laga joogo, waxay shacabka Soomaaliyeed si gaar ah isha ugu hayeen cidda uu u soo magacaabi doono jagada ra’iisal wasaaraha oo dastuurku xaq u siinayo in uu isagu soo xusho. Madaxweynaha cusub, ayaa dad badani ka filayeen in uu si dhakhso ah u soo magacaabi doono qofka xilka ra’iisal waaranimada qabanaya, si  loo dardargeliyo hawlaha faraha badan ee laga sugayo dawladda marxaladdan cusub.

Waxaa maanta Xamar ku sugan tobonaan qof oo karti iyo aqoonba leh una qalma, diyaarna u ah in loo magacaabo jagada ra’iisal wasaaranimada Soomaaliya. Sidaas daraadeed waxa bulshada Soomaaliyeed la yaab ku noqotay in aanu illaa hadda madaxweynuhu magacaabin ra’iisal wasaare, dad badanna waxay is weydiinayaan tolow muxuu sugayaa wadaadku, illeen waa tii hore loo yidhi nin la sugayaw maxaad sugiye!

Waxaa maalin walba soo baxa magacyada shakhsiyaad la leeyahay waxaa loo magacaabi doonaa jagada ra’iisal wasaaranimada Soomaaliya. Waxaa sidoo kale la sheegaa in madaxweynuhu uu wado tashiyo la leeyahay hoggaamiyeyaasha qabaa’ilka iyo waxgaradka Soomaaliyeed, si uu u ogado fikraddaha ay ka qabaan cidda uu ra’iisal wasaaraha u magacaabayo. Waxaa jirta in xataa socdaalladii uu madaxweynuhu dhawaan ugu kicitimay Baydhabo iyo Baled weyn, ujeedooyinkooda lagu sheegay in ay ka mid ahayd sidii uu dadka ku dhaqan deegaanandaas ugala tashan lahaa cidda uu u magacaabayo jagada ra’iisal wasaaranimada Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale jira tartan iyo xusul duub ay qabaa’ilka qaarkood ugu jiraan sidii qof beeshooda ka soo jeedda jagadaas loogu magacaabi lahaa. Waxa weliba intaa dheer in ay jiraan beelo si gaar ahi isu siinaya in ay  xaq u leeyihiin jagadaas oo aan cid kale soo hungurayn karin.

Warar kale ayaa iyana sheegaya in beesha uu madaxweynuhu ka soo jeedaa ay isku dayayaan in ay saamayn weyn ku yeeshaan cidda uu jagada ra’iisal wasaaraha u magcaabayo. Koox ka tirsan beesha Hawiye ee qurbaha ku dhaqan, ayaa iyana la sheegayaa in ay madaxweynaha u gudbiyeen liis ay ku qoran yihiin magacyo shakhsiyaad aqoon leh oo u badan beesha Daarood. Kuwaas oo ay kula talinayaan in aannu (dadka liiskaas ku xusan)  u magacaabin jagada ra’iisal wasaaraha, halka hoggaamiye dhaqameedka Hawiyana la sheegay in aykula taliyeen in aanu magacaabin ra’iisal wasaare ka soo jeeda degaanka dawlad goboleedka Puntland.

Mahiga Museveni
Kibaki Desalegn

Saaxiibada madaxweynaha ay isku xisbiga ahaayeen iyo kuwo ay hay’do u wada shaqayn jireen, ayaa iyana la sheegayaa in ay madaxweynaha ku hareeraysan yihiin oo ay maskaxda u sidaan iyagoo qaarkood la sheegayo in ay rabaan jagadaas ama la rabaan cid ay iyagu wataan. Waxaa iyana xusid mudan ballan qaadyo uu madaxweynuhu la galay xilliigii uu jagada madaxweynaha u tartamayay qaar ka mid ah raggii ay kursigaas u wada loolamayeen. Taas oo iyana tixgelinteeda leh, inkasta oo xogaha qaar sheegayaan in uu ka baxay ballamahaas. Waxaa intaas dheer oo iyana aan caddayn heerka ay gaadhsiisantahay faragelinta arrinta magacaabista ra’iisal wasaaraha ee ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Md. Augustina Mahiga iyo dawladdaha ay ciiddamadu ka joogaan Soomaaliya.

Haddaba marka aad fiirisid  dhacdooyinkaas iyo duruufahaas murugsan ee aan kor ku soo xusnay, waxaa muuqata in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay taladu ka baahday, isla markaana ay ku adkaatay in uu go’aan ka gaadho cidda uu ra’iisal wasaaraha u magacaabayo. Waxa ay u eg tahay in madaxweynuhu uu aad ugu liito dhinaca go’aan qaadashada oo ah sifo lagama maarmaan u ah qofka mas’uulka ah tan madaxweynenimadu haba ugu cuslaatee.
Sidaa darteed la yaab ma leh in aan hadda maqalno warar sheegaya in madaxweynuhu ku yidhi beelaha Daarood ku soo heshiiya cidda ra’iisalwasaare noqonaysa oo iska soo dhex saara idinku.
Marka aad fiirisid qaabka uu madaxweynuhu u maaraynayo magacaabista ra’iisal wasaaraha waxaa ka muuqata isku kalsooni la’aan iyo waayo argnimo darro weyn. Taas oo sabatay in madaxweynu isdabro oo lugaha iyo gacmaha iska xidho.

Waa lagama maarmaan oo ma xuma in uu madaxweynuhu la tashiyo sameeyo. Laakiin waa daciifnimo in uu awooddiisa dastuuriga ah iska xayuubiyo. Way adagtahay in beelaha, maamulada iyo shakhsiyaadka tirada badan ee hungurigu ka hayo jagadan ama raba in ay  saamayn ku yeeshaan cidda loo magacaabayo in mid walba gaarkeed loo raalli geliyo, waana taas ta uu Xasan Sheekh Maxamuud isku dayayaa.

Waxaa durba isa soo taraya  niyadjabka laga qabo in madaxwynuhu leeyahay kartidii iyo aqoontii u suurtogelin lahayd in uu si hufan u guto xilkiisa,  mar haddii tallaabadii ugu horeysay ee ahayd magacaabista ra’iisal wasaaraha uu  muddo bil ku dhaw la rafanayo. Waxa uu u muuqdaa madaxweynuhu nin aan u carbisnayn la tacaalidda siyaasadda jaha wareersan ee Soomaalida, islamarkaana aan u sii tabaabushaysan xilka madaxtinimo oo uu si lama filaan ah ugu soo baxay (Accidental president).

Waxaan shaki lahayn in muddada uu xilka hayo madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud, ay la soo gudboonaan doonaan arrimo culculus oo u baahan in uu go’aan dhakhso ah ka qaato oo aan ku simi karin in uu Baydhabo, Beled Weyn iyo degaano kaleba la tashi u tago.

Shacabka Soomaaliyeed waxay sugayaan in ay helaan Ra’iisal wasaare karti leh oo soo dhisa xukuumad kooban oo ay xubno ka yihiin shakhsiyaad lagu aamini karo xilka qaranka, shacabkana ugu adeega sinnaan iyo caddalaalad, kana samata bixiya duruufaha adag ee ay ku suganyihiin. Haseyeeshee ma muuqato sida ay hadda wax u socdaan in la heli karo xukuumadda noocaas ah, mar haddii aanu madaxweynuhu lahayn isku kalsoonidii, kartidii iyo dhiirranaantii uu ku wajihi lahaa xaaladda murugsan ee beelaha Soomaaliyeed ee qabyaaladdu kala irdhaysay.

Caqabadaha hareeyay Madaxweynaha cusub waxaa ka mida:-

  • 1- Magacaabida Raisul wasaaraha Soomaaliya, iyadoo culeysyada saaran ay ka mid yihiin wuxuu kala kulmi karo hadii uu magacaabo qof uusan aqoon u laheyn ama aan xisbigiisa ahayn maxaa yeelay xil ka qaadis kuma sameen karo hadii uu siyaasadiisa khilaafo maadaama Ra”isulwasaraha Soomaaliya xilkiisa ku weyn karo oo kaliya hadii uu waayo Kalsoonida Baarlamaanka. dhinaca kalena Hadii uu magacaabo qof xisbigiisa ka tirsan waxay sababi kartaa inuu waayo taageerada beesha Caalamka iyo tan shacabka Soomaaliyeed. 
  • 2- Maamul u samaynta Jubada hoose, Gobolka Banaadir iyo dhamaan gobolada kale ee Soomaaliya, Maamulka Gobolka Banaadir iyo degmooyinkiisa oo ay gacanta ku hayaan dad aan aqoon laheyn, isbaarana ku ah nabada iyo horumarinta degmooyinka maadama intooda badan ay gacanta ku hayaan maliishiyaad qabiil, Goboladii iyo degmooyinkii uu magacaabay Madaxweyne Shariif xiligii uu tartanka doorashada ku jiray go’aan ka gaaristooda, magacaabistaas oo golaha wasiirada ee Dawladii Shariifka ay kasoo horjeesteen, Gobolada iyo degmooyinka dawladu xoreysay qaar kamid ah oo maliishiyaad qabiil oo is abaabulay ay bilaabeen in canshuuro ka gurtaan.
  • 3- Sixitaanka Dastuurka Soomaaliya oo aan awood buuran siineyn Madaxweynaha Dalka, Dastuurka oo ay ku jiraan qodobo iska hor imaanaya, qodobo aan la hirgelin karin sida dhisitaanka aqalka sare maadaama dawlad goboleedyadu dalka u wada dhisneyn iyo qodobo ka hor imaanaya shareecada Islaamka.
  • 4- Dhisida iyo sixitaanka Garsoorka Dalka, Maadaama garsoorka dalka uu noqday yaa lacag badan, iyadoo Garsoorka Dalka lagu magacaabi karo inuusan garsoor jirin, qeybaha shaqeeyana ay yihiin kuwa gebi ahaan ay tahay in iyaga xabsiga la dhigo, maadaama ay xilkoodii gudan waayeen, kana doorbideen dhaqaalo yar.
  • 5- Maareynta dhaqaalaha Dalka, Dhaqaalaha ka soo xaroodo meelaha ay dawladda gacanta ku heyso oo aan dowlada ugu xaroon sidii la rabay maadaama ay masuuliyiinta gacanta ku haaya yihiin kuwo musuqmaasuq ku caan baxay, sida Dekedda, Airport-ka , Canshuuraha beriga, Dhaqaalaha Baasaboorada kasoo xarooda, dhaqaalaha kasoo xarooda Taargada Baabuurta oo shaqsiyaad iska maamushaan.
  • 6- Maareynta Nabadgelyada Dalka oo dhibaato badani ka taagan tahay, ciidamada dawladda oo Gobolada la xoreeyay iyo Caasimada dalkaba dhibaato u geysta shacabka, lacago baadana ka qaada Baabuurta u kala goosheysa gobolada Dalka iyo gudaha magaalada Muqdisho, Mushaar la’aan ciidamada Soomaaliaya qeybaheeda kala duwani haysata. Ciidanka kaliya ee Maanta Shacabka Soomaaliyeed aaminsan yihiina uu noqday ciidan ka tirsan Nabadsugida Soomaaliya oo loogu yeero ALFA Group ama GAASHAAN, ciidankaas oo tiradoodu aad u yar tahay. Milateriga, Booliska, Asluubta iyo Qeybaha kala ee ciidanka Nabadsugida oo sixitaan badan iyo tababaridba u baahan, iyadoo la dhihi karo caqabada Nabadgelya xumida waxaa u sababa Ciidamada Dawlada Soomaaliya oo mushaar laáan ku howlgala iyo Masuuliyiin xilal aysan astaahilin haya.
  • 7- Xiriirka wadamada IGAD, Xiriirka Hay’adaha Caalamiga ah sida UN-ka iyo NGO-yada Caalamiga iyo kuwa gudaha, la macaamilida Beesha Caalamka kadib markii Dawladda Soomaaliya ka baxday kumeelgaarnimada. Qeybahaan dhamaan ayay ku adag tahay in Soomaaliya ula Macaamilaan sida ay ula dhaqmaan dawladaha kale ee Caalamka. Madaxweynaha iyo Xukuumada la dhisi doono maku guuleysan doonaan inay joojiyaan qaabkii UN-ka, EU-da, AU-da iyo dhamaan Caalamku ula dhaqmi jireen Dalka Soomaaliya oo ahaa Somalia (Muqdisho),Puntland iyo Somaliland! Mise sidii hore ayay hawluhu ku socon doonaan iyada oo Soomaaliya yeelatay dawlad rasmi ah.
  • 8- La talinta iyo hagitaanka Madaxweynaha oo ay durbaba bilaabatay inay ku tartamaan xubno ka soo jeeda beesha madaxweynaha iyo xubnaha Xisbigii uu gudoomiyaha ka ahaa oo lagu magacaabo SPD ama Damu jadiid, xubnahaas oo gacan weyn ka geystay guusha uu ku guuleystay Xasan Sheekh Madaxtinimada Dalka. Xubnahaas ayaa la sheegayaa inay kala hor boodayaan Faarax Cabdulqaadir iyo Jibriil CRD. 
  • Madaxweyne Xasan Sheekh ma qabiilka ayaa Jiidan doona mise xulufadda Xisbigiisa, 
  • 9- Soo celinta midnimada, wadaniyada iyo wadajirka Soomaaliya, maadaama 20 kii sano ee lasoo dhaafay masuuliyiinta Soomaaliya hor boodayey ay ahaayeen kuwo xoojinayey kala qeybinta shacabka Soomaaliyeed.
  • 10- Maareynta waxbarashada dalka sida Dugsiyada hoose ilaa Jaamacadaha, iyadoo dalka Soomaaliya uusan ka jirin Manhaj kaliya, Jaamacadaha dalkana ay ka mid noqdeen sida Dukaamada Caadiga ah, iyadoo aysan jirin shuruudo looga baahan yahay Jaamacadaha, shuruudo looga baahan yahay Macalinka wax ka dhigaya. Arimahaan quseeya dhinaca Jaamacadaha oo ah arin ay tahay in si degdeg wax looga qabto.
  • 11- Go’aan ka gaarista hantidii dalka oo dawladii ka horeysay ay qaar ku wareejisay dawlado kale, dhismayaashii dalka sida Hoteeladii dawladda , Ajibyadii shidaalka oo Ganacsato lagu wareejiyey iyadoo wax tartan ah aysan dhicin, Qandaraasyada Dawladda, Kuwa AMISOM, Kuwa Turkiga TIKA oo tartan la’aan la siiyey ganacsato gaar ah oo ku dhowaa madaxdii dawladii ka horeysay, sida siinta Raashinka iyo shidaalka Ciidamada Soomaaliya, dhamaan waxyaalahaas oo laga warsugayo go’aanka uu madaxweynuhu ka qaato iyo xukuumadda lasoo dhisi doonaba.
  • 12- Caqabadaha kale ee madaxweynaha heysta waxaa kamid ah isbedel weyn oo ay dadka Soomaaliyeed ka sugayaan mudada 100-ka maalin ee ugu horeysa Xukuumada dawladiisa, Soomaalidu ma dulqaad badna hadii Xasan Sheekh la imaan waayo isbedel degdeg ah waxaad arki doontaan iyada oo inkaar lagu ridayo sida madaxdii ka horeysay.

====================

Advertisements

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s