YUU NOQON DOONAA RA’ISUL WASAARAHA CUSUB EE SOOMAALIYAA?!! {FAALLO}

Tuesday, October 2nd, 2012 |Moment Media Group | – Sida aan  wada ogsoonahay  tan iyo  bisha September oo  ahayd markii la doortay Madaxweynaha cusub  ee  Somalia Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa  looga fadhiyaa inuu  soo  hordhigo Barlmaaan qaranka qofkii soo dhisi lahaa dawladdii ugu horeysay ee aan ahayn ku-meel-gaadh.

Haddaba faaladan  gaaban  waxaan  ku falanqayn doonaa shakhsiyaadka ugu  dhawdhaw ee  la filayo  inmaalmaha soo socda midkood lagu dhawaaqo. Xilka Ra’iisulwasaaraha cusub ayaa la filayaa inuu qabto musharixiin ka soo jeeda bisha Daarood oo inta u  sharaxani aysan  ka yarayn 12  qof. Tiradani waa  inta iska damaaciday ee  ku sugan  magaalada muqdishio  aadoo  ay jiraan  kuwa kale oo  weli  shaqooyinkoodii  ka soo  tegin  ay dalka dibaddiisa ku haysteen oo soo dirsaday CV ama kartida kale ee ay u leeyihiin qabashada xilkan.

Waxaa la xaqiijinayaa in madaxweynhu uu wada eegay CV-yada la soo dirsaday oo idil, ayadoo la xusay haddana in  xilkan  aan  loo  eegayn  heerka  waxbarashaa oo  keliya ee  ay  muhiim  tahay dhinacyada hoggaaminta ( leadership) iyo  kartida uu  qofku u  leeyahy  inuu  hogaamiyo  dawlad  Soomliayeed.

Madaxweynaha ayaa culays  badan ka haystaa siduu  u kala qancin lahaa seddexda  jilib ee  Darood ugu waaweyn  oo  aad  ugu  loolamaya xilkani.    Musharixiinta ka soo  jeeda gobolka Puntlad  ayaa  doorarkii dawladihii  hore ka cayaareen  aad  looga dayrinayo  halka Beesha  Sade loo  arko  in  miisan  siyaasadeed lahayn aadse ay u xayaysiinayaan beelaha ka soo jeeda gobalada dhexe oo la aaminsan yahay inay xulafo gaar ah  yihiin. Beesha  Absame ayaa muasharixiin  fara  badan  sanadka keenay oo  aan  horey  loo  arag, miisaankooda siyaasadeed ee ay yeesheena uu keenay culays aan la filanayn.

Haddaba bal aan eegno fofka uu madaxweynuhu ka xulan doono dadka ugu cadcad ee lagu soo koobay dhawrkan qof:

  1. – Xildhibaan Xuseen Khalif
  2. – Dr. Axmed Sh. Ali ( Doodijo)
  3. – Faarax Cabdisamed (Afey)
  4. – Saacid Garaad Shirdoon
  5. – Nurudiin Diriye
  6. -Prof. Keynaan.

Haddaan  ku hormarno  Xildhibaan  Xuseen, waa sarkaal sare oo  ka shaqeeya Bangiga Islaamka ee magaalada Jeddah ayna isku hayb hoose yihin Ra’iisal wasaare C/weli Gaas iyo Madaxweyne Cabdilahu Yusuf.   Xuseen  ayaa wax yar ka hor xilligii  doorasha ka yimid  shaqadiisa markii ugu  horeysay  ee uu siyaasadda soo galo marka laga reebo  muddo gaaban oo dhalinyaranimadiisiii ka mid noqday Jabhaddii SSDF ee uu hoggaaminayay Cabdilahi Yusuf ee  ku sugnayd dalka Ethiopia, ka dibna u tacabiray dalka ka Kanada oo uu ku noolaa intuusan shaqada uu hadda hayo uga soo wareegin.

Xuseen  waxaa lagu  sifayn  karaa shaqsiyaadka ugu  dhawdhaw ee  ka soo  jeedaa beesha  ee  aragti qaranimo leh kana fog ninka aad looga dayrshay ee Gobolka Puntland ka taliya- waa Faroolee.

 Sumcaddiisa Soomalinimo iyo bisaylka siyaasadeed ayuu kaga horeeyaa musharixiinta intooda kale.

 Dr. Axmed Sheekh Ali ( Doodijo)  wuxuu ka soo jeedaa  Mareexan, noloshiisa inta badanna wuxuu ku qaatay Muqdishu marka laga reebo muddada uu waxbarasha ugu maqnaa Dalka Sudan. Dad badan ayaa hoosta ka xariiqaya inuusan qaban doonin xilkan sababo ay ka mid yihiin:

–  Inuu sarkaal sare ka yahay xarkada Dami jadiid oo aysan umaddu diyaar u ahayn xilligani

– Inuu ka mid yahay isla xisbiga talada haya oo aan isku heli karin inay ku wada fariistaan kuraasta ugu sareysa    hoggaanka dalka. 

– Sidoo kale xiriirka uu la leeyahay dawladaha iyo ururada Islaamiga ah oo colaad weyn u soo jeedi kara dawladda.

Musharaxan ayaan aqoontiisa ku qaatay Jaamacadda  Afriqiya oo aan ka magac weyneen jaamacadaha Soomaaliya marka la eego heerka aqooneed oo hooseysa iyo sida ay uaga soo gudbaan dadka wax kubarta oo u  badan dalalka la deriska ah Suudaan. Khibradda shaqo  ee musharaxab ayaa ku  kooban  kamid  nooqoshada xarakada Islaamiga   oo  Aabihiis magac dheer ku lahaa iyo  asagoo  in  muddo  ahhogaaminayay xarun ay leeyihiin Dami jadiid oo ku taalla magaalada  Nairobi lana yiraahdo Al-shaahid Media.

Xarunta waxay  farac leedahay London  oo  uu  hoggaamiyo  Maxamed Al-  amiin  Al-haadi oo  ah sarkaal sare oo  dami jadiid. Warar  ka soo  baxaya xarakadan  ayaaa soo  xoogaysanaya maalmahan  oo sheegaya  in  wafdi fara  badan  oo  ka kala yimid  daafaha adduunka kana  tirsan  xisbigan  inay u dagaalamayaan inuu shakhsi Doodijo oo kale ah uu qabto xilkan maadaama ay dawladdani tahay miday leeyihiin.  Wafdi uu hogaaminayo Sheekh Bashiir Amaan oo ay weheliyaan culimo ku caan ah xarakada ayaa ka yimid Yururb iyo Ameerika, fikirkana aad u riixaya. Halka madaxda xisbiga PDP aysan hoosta ka xariiqayaan in  xilligan  aysan  marna suurtagal ahayn maadaama dawladdani thay mid  qaran  oo Barlamaan Soomaaliyeedna soo dhistay.

Ila hoose oo xisbiga ka mid ah ayaa sheegaya in Doodije uu aad uga dharagsan yahay in hawadiisu aysansuurtagal u  ahayn  xilligan  laakiin  uu  ku  mintidayo  sidii  nin  Mareexan  ah  u  heli  lahaa xilka oo  uu  ku gorgortama mar kasta oo hamigiisa laga hor yimaado. Lama hubo qofka uu wato illaa iyo hadda waxaase laga dharagsan yahay oo uusan qarsan inuusan marna oggolayn shakhsiyaad ay ka mid yihiin Farmaajo,

Saacid iyo Goonjeex, iyo  Abdiweli oo maalmihii danbe suuqa magaalada warar badan oo been ah soo geliyay. Xubanahani waa isku hayb  gaar ah waxayna ka soo jeedaan degaanka Cabudwaaq, lamase hubo inuu sababtaas u diiddan yahay iyo in kale. Doodijo ayaa asagu ka soo jeedaa gobolka Gedo iyo weliba qoysaska laga tira badan yahay ee Mareexaan .

Haddaba doorka uu  ku  leeyahay  xisbiga iyo  xarakada diiniga ah  ee  ka danbaysa iyo  weliba saaxiibtinimada dheer kala dhaxaysa Madaxweyne Xasan oo  uu  udub  dhexaad  u  ahaa doorashadiisa ayaa dad badan magaciisa dhigi la’yihiin. Waxaase turunturo ku ah miisaanka hoose ee xilligan beeshiisa Mareexaan  ay ku yeelan  karto  miisaanka siyaasadeed. Dad  badan  ayaa u  arka in  buunbuuninta Musharixiinta Mareexaanka ay ka hor keeni karayso tirada badan ee Daarood oo ayagu isku wada hayb gaar ah (Kablalax). Gaar ahaan Harti iyo Absame oo horey u wada watay Cabdiwel Gaas xulufo gaar ahna ku lahaa helista xilkani. Miisaanka ay ku leeyihiin Gobalada Puntland iyo Jubbooyinka  ayaan ahayn mid aan la iska indhatiri karin oo aad muhim ugu ah taageerada madaxweynaha.

Dr. Faaraxa Cabdisamed ayaa ah asagana ku soo biiray hadalhayska maalmahan danbe wararkana lagu helayo inuu safka hore ku jiro. Haddaba waa shakhsi sidee ah faarax? Waxaa lagu sheegay inuu yahay khabiir arrimaha  geeska Afrika, gaar ahaan  Somaaliya  aadna wax  uga qora, sidoo  kalena ka soo shaqeeyay hay’ado caalami ah oo horumarineed iyo machadyo cilmi baaris oo kala duwan. Aqoontiisa reer galbeedka  ayaa  waxaa u  wheliya  fikirkooda  oo  aad  u  aaminsan  yahay.  Waxaa la  xusay  inuu  xiriir dhawdhaw la leeyasho reer galbeedka iyo  dalalka geeska africa gaar ahaan Ethiopia iyo Kenya. Faarax ayaa la sheegayaa inuu  asxaab  dhawdhaw ku leeyahay dadka ugu  dhawdhaw madaxweynaha. Sidoo kalena dad badan oo ay isku meel ku soo barbaareen ayaa la sheegayaa inay aad u riixayaan.

Taageeradani ma cadda waxaase la sheegayaa inay jawaab u  tahay taageerada indha la’aanta ah  ee beesha Habergidir u hayso Musharixiinta Mareexaan. Faarax ayaa lagu bartay faalooyinka uu ka bixiyo xaaladaha gobolka oo  inta badan  TVyada  reer galbeedka ka hadla.   wuxuu  ku dhashay  magaalada Muqdishu oo uu bartamihii  80yadii uga dhoofay dalka Kanada oo muddo ka dibna uga soo hayaamay Africa oo in muddo ah ka shaqaynayay, gaar ahaan dalka Ethiopia, ka dibna Europe degay. Sanadahan danbe oo u shaqaynayay hay’ado kala duwan ayuu aad ugu dhexmuuqday siyaasadda Somalia. Qaar ka mid  ah  Xisbiga talada haya ayaa cabsi badan  ka  muujinaya xiriirka guntadheer  ee uu  la leeyahay dawladaha  ajenebiga ayadoo  lagu  sheego  inuu  ka mid  yahay dadka sida gaarka ah  ugu  dhuundaloola Maraykanka iyo Ethiopia, lamase hubo inta ay la eg tahay saameyntooda in xilkan loo magacaabo. Sidoo kale warar kale ayaa sheegaya in Faarax uu tababaro cilmiga maamul-wanaagga ku qaatay dalka Isra’iil dhamaadkii 1990kii iyo  horaantii 2000  muddoyin  kala duwan. Arrintan  ayaad mooddaa ayadana inay boog u yeelayso musharaxnimadiisa maadaama xisbi Islaami ah talada dalka hayo.

Walow uu  ugu  cad  cad  yahay  Absame  oo  in  ka  badan  6  musharax  u  tartamayaan, doorkooda siyaasadeedna aan maalmahan danbe la iska indhatiri karin oo weliba dad badan aaminsan yihiin inuu laf  dhabar u  noqon  karo  xiriirka dawladaha  ee Gobolka geeska Afrika. Wuxuu  hayb hoose la yahay Suldaanka beeshaas ee Cabdi cali sonkor. Musharixiinta kale ee beesha sida Gen. Muuse ayaa isagu ku haray da’da, iyo  wasiirkii  hore ee Maaliyadda Xuseen Xalane oo  xiriir  dhaw la lahaa  Sheekh Shariif Axmed.

Sidoo  kale nin  la yiraahdo  Prof. Keynaan  oo  UNESCO Nigeria haysta ayaa hadalkiisu mar soo yeeray faahfaahin badan aan ka haynin. Profesorka ayaa aqoon sare leh oo Soomaalida laga heli karin macalinna u ahaa madaxweyne Xasan yaraantiisii walow  aan warkiisa suuqa Mudishu dib looga maqal.

Sidoo kale nin lagu soo koobay magaciisa Cabdi dheere ayaa sharraxan oo uu abti u yahay indhacadde beesha Cayrna ay aad u buunisay walaw aanu waxba ka sheegi karin taarikhdiisa. Isku soo duubow tani waxay ka dhigaysaa Faarax musharraxa ugu xoog badan beeshiisa.

Mr. Saacid Garaad Shirdoon

Musharaxan ayaa magaciisu ka bixi la’yahay suuqa magaalada Muqdishu ee ku tiriteenka laga abuuro/ Haba yaraatee ma jirto wax khibrad ah oo uu leeyahay dawladnimo marka laga reebo ganacsi dheer oo uu in ka badan 30 sano ku soo jiray. Saacad ayaa wuxuu ku naaloonayaa taageero indha la’aan ah oo dadka magaalada Muqdisho  deggen u  hayaan.  Taageeradan  ayaa sal u  ah  qoyska xaaskiisa oo  ah  qof tixgelin ku leh bulshada degta Muqdishu. Saacid ayaa horey ula tartamay Xasan Sheekh diidayna inuu uga tanaasulo ka dibna halkaas isku dhac ka yimid aan weli la xallin. Taageeradiisa ugu badan ayaa ah inay in  badan  la taliyaashisa ah  ay  u  wataan inuu  qabto  xilka. Dad  badan  ayaa shaki ka  muujinayaa arrinkaas oo marar badan ula eh in heshiis hore jiray.

Mr. Nuurudiin  Diiriye,   waxaa lagu  tilmaamay  nin  da’  yar muddo  dheerna ka soo  shaqaynayay  Puntland marka laga reebo xilliyo kooban oo uu UNICEF Somalia ku sugnaa. Wuxuu horey ugula tartamay Faroole xilka madaxweynanimada asaga tiro yar lagaga guulaystay, ka dibna loogu deeqay inuu qabto xilka ugu sareeya ee wasiirka Qorshaynta oo uu ku gacansayray. Nuurudiin muddooyinka danbe wuxuu ku caan baxay ka qabgalka shirarka soomalida gaar ahaan dalka UK oo uu ka dhex muuqday shirarka Soomalidu isugu  timaaddo.    Faahfaahin  badan  kama soo  bixin  taariikhdiisa siyaasadeed  walow  Nuurudiin  muddo dheer ku  sugnaa  Xamar asagoo  hogaaminayay  dib  u  doorashada Cabdiweli  Gaas.  Ka dib  markuu Cabdiweli ku guuldaraystay madaxweynenimada ayaa la sheegayaa inuu bilabay damaaciisa ah  Ra’iisal- wasaarenimo kuna qabsaday ka dib markuu is tusay inuusan soo noqon doono C/weli. Arrinta ayaa ah mid qoyskiisa hoose ka cadhaysiinaysa.

Nuurudiin ayaa inta badan isku hallayn ka qaba asxaab badan oo ku dhaw beesha Abgaal oo qaraabo yihiin halka uusan wax wanaag ah ka dhaxaynin Madaxweyne Faroole oo in mudd ahba aysan hoos isa seexinayn.

Prof. Keynaan

Musharraxan ayaa mar keliya magaciisu mar soo yeeray dib danbana loo maqal, waxaa lagu sheegay in aqoonyahan muddo dheer ka tirsanaa hay’adda UNESCO haddana ku sugan dalka Nayjeeriya. Wuxuu ka soo  shaqeeyay  waddmo  fara badan. Hamigiisa siyaasadeed  ayaan  horey  loo  sheegin  hadda ka hor, siyaasadna shaqo kuma yeelan inta la og yahy hadda ka hor.

Prof. ayaan beeshiisa hadalkiisa laga maqal, waxaana la sheegayaa in xiriir madaxweynuhu la sameeyay ku yimid maadaam uu macalin u ahaa xilliyadii hore ee Somalia burburin. Profesorka yaa aqoontiisu iyo khabradda uu leeyahay ka hormarinaysaa dhamaan musharaxiinta kale ee hadda tartamaysa.

Waxaa lagu tilmaamy shakhsi aad u xishood badan oo aan jeclayn in xukun lagu tartamo aadna uga fog qabyaaladda. Marar aan isku daynay inaan la xiriiro xaaskiisii hore oo ay walaalo yihiin Qoraaga caalmiga ah caanka ah ee Nuuradiin Faarax.

Dad  badan  ayaa hoosta ka xariiqaya haddii  uu  Keynaan  musharaxnimdiisa ka  dhabeeyo  inuu  orod  ku dhaafi doono dhamaan inta kale ee aan soo xusnay.

Moment Media Group

============================

“I loved words. I love to sing them and speak them and even now, I must admit, I have fallen into the joy of writing them.”Prof.Ibrahim

Advertisements

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s