Xukuumadda oo si adag uga hortimid ka qaybgalka afhayeenka baarlamanka ee kulanka Nairobi.

Monday, April 11th, 2011 | -La taliyaha warfaafinta ee ra,isul wasaaraha Soomaaliya Inj.C/raxman Cumar yariisow ayaa ku tilmaamay mid aan laga fiirsan ka qaybgalka afhayeenka baarlamanka KMG ah Shariif Xasan Sheikh Aden kulanka wadatashiga ah ee barito lagu wado inuu ka furmo magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya.

Mudane Yariisow ayaa carabka ku adkeeyay in shir walba ee looga hadlayo aayaha Soomaaliya ay tahay inay diyaariso xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya isagoo hoosta ka xariiqay in maamul goboleedyadda Soomaaliya ka jira ay qayb ku leeyihiin saamiga qaybsiga awoodda ee ay ku dhisantahay dawladda KMG ah.

Xukuumadda iyo madaxtooyada dawladda KMG ah ayaa horey isaga diiday casuumaad uu u fidiyay wakiilka gaarka ah ee xogeeyaha guud ee QM u qaabilsan arimaha Soomaaliya Danjire Augistine Mahiga inakstoo casuumaad kale oo uu u keenay afhayeenka baarlamanka uu aqbalay iyadoo dhanka kale ay ku kala qaybsameen xildhibaanada baarlamanka ka qaybgalka afhayeenkooda ee shirka Nairobi.

Advertisements

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s