Madaxdii Hore ee Madaxtooyada Somaliya soo maray iyo Madaxda Cusub ee hadda qabsatay Maxey ku kala duwanyihiin!!?

01.10.2012 –  Siyaasadu mid isbadal badan nimbo uu si u adeegsado qaarbaa u adeegsada sama ta bixinta umadooda iyo in ay Dalkooda sharaftiisa iyo dadkiisa ku difaacaan qaarna waa kuwa Siyaasadooda u adeegsadana leynta Dadkooda iyo in ay iibsadaan dalkooda iyo dadkoodan ,waxa ayna labada dhinac kala galaan labada Baal ee Dahabka iyo kan madow.

Qaranimadii Soomaaliya waxaa dumiyay rag siyaasiyiin isku sheegay kuwaa oo danihii umada iyo Dalka tooda ka hor mariyay ugu dambeyna u horseeday Dagaalo iyo bur bur in uu dalku galay taa oo xiligan nasoo gaarsiisay heerka aan Maanta Joogno.

Marka aan usoo laabano Dalka Soomaaliya hada waxaa uu galay isbadal aad u wanaagsan oo mudo lagu taamayay taladii Umada Soomaaliyeed waxaa hada lagu aaminay oo loo dhiibay dad Bulshada dhaxdooda Sharaf iyo maamuus ku leh gacmahoodana uusan wali taaban dhiig shacab iyo boob hanti qaran.

Madaxweyne iyo Gudoomiye Baarlamaan ayaa loo doortay Raga Prof. ah oo saameyn badan leh kuwaa oo hada Madaxtooyada Soomaaliya durbo ka bilaabay isbadalo aad u heer sareeya oo dadku aad ugu faraxsanyihiin dhawaana la filayo in isbadalo faraxad leh ,waxa ayna dhawaan shaaciyeen labada Masuul ee hada dalka ugu sareysa in uu dhamaaday Qilaaf iyo is qab qabsi madaxtooyada ka dhacda.

Madaxdii hore ee Dalka Soo maray mudooyinkii ugu dambeeyay waxa ay ahaayeen rag siyaabo kala duwan kusoo fadhiistay Madaxtooyada waxaana ayna intii ay talada hayeen Madaxtooyada hareeyay Qilaafyo iyo sidoo kale Musuq maasuq maro loo waayay.

Madaxdii hore inta badan ee Madaxtooyada saldhigu u ahaa waxay ahaayeen Dad Daneeya in ay Aruursadaan Qarashaadka Soo gala Dowladda sidoo kale ma aheyn rag Daneenaya Umadda Dhibaataysan ee u bahaan Qaranimada Somaliya iyo nabad waarta.

Sidoo kale Waxay ahaayeen Dad is Qab qadsada oo Fiirsada Danahoooda Qaaska ah iyo Masuuliyiin aan kala Jeclayn Xurnimada Dalka Somaliya , Waxay ahaayen Dad Aqoonta ku yartahay Laakin ay ku Jiray Aqoon Yahano Aan sidaasi u badnayn laakin Warkooda aan Dhag Jiliq loo siinayn Maadaama Madaxda sare Ay ahaayeen Dad Aqoonta iyo Xiriirka Caalamiga ahi Wax Saas ah ka garanayn.

Sidoo kale Madaxda Hadda Qabsatay Madaxtooyad soomaliya Waxaa lagu Yaqiinay Shaqo hufan iyo Aqoon Dheeraad ah oo ku Saabsan Arimaha Waxbarashada iyo Xiriirka Caalamiga ah.

Waa Dadkii Ugu Horeeyay Ee Umadda Soomaaliyeed u Horseeday in ay ka dhisaan Xaga Waxbarashada kana Furay Dalka Soomaaliya dugsiyada Hoose ,Sare kuwaaso oo ay kasoo baxeen Boqolaal Kun oo arday ah Dagaalada ka dib.

Waa Dadkii Dalka ka Furay Jamaacadaha Maanta ,Soona Saaray Arday Badan oo Aqoontooda lagu Faani karo ,Waa Dad Aqoon Dheeraad leh kana dhisan Luqadaha Caalamka fahmikarana Beesha Caalamka aan la marsiin Karin In la iibsado Handida Qaranka Soomalaiyeed .

Shacabka Soomaaliyeed ee Maanta u Bahaan Nabada iyo kala Dambeynta waxay sugayaan in maanta Loo Muujiyo Waxqabadka Masuuliyiintaan Sare ee Dalka kasoo Qabtay Waxyaabo badan oo Muuqda waana Xisbi Magaciisa marka la Fiiriyo Yahay Xisbiga Cadaaladda Iyo Hormarinta Shacabka Soomalaiyeed Waana Laga Dhursugayaa waxa ay u Qabtaan Umadda Soomaaliyeed ee maanta u haraadsan Xukunkooda Cadaalada iyo aqoonta ku dhisan.

Advertisements

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s