Cabdiweli Gaas oo lagu qanciyay innuu Boorsooyinkiis XidhXidho Unna Diyaar Garoobo Isbadalka Dalka ka Socda

Moment Media Group Oct 01, 2012 xalay xarunta Madaxtoyada ku dhex maray Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul wasaaraha waqtigiisa dhamaaday C/weli Maxamed Cali Gaas oo shalay dib ugu soo Muqdisho ayaa ka wada hadlay waxyaabihii kasoo baxay shirkii Gollaha amaanka iyo kii Soomaaliya lagu taageerayay.

Sidoo kale kulankan ayaa qeyb ka ahaa wadatashi ku aadan magacaabista Wasiikr koowaad ee badali doona Mr. Gaas, inkastoo Madaxweynaha uusan cara baabin shaqsiga uu doonayo inuu magacaabo.

Madaxweynaha wuxuu u sheegay in shacabka Soomaaliyeed iyo Baarlamaanka soo doortay in ay ka sugayaan inuu dhaliyo isbadal dhan walbo ah sidaasi darteedna uu saameyn ku yeeshay damacii Cabdiweli gaas uu ka qabay mar kale Wasiirka Koowaad, waxaana lagu qanciyay khudbadii uu jeediyay habeenkii uu iska casilayay tartankii doorashada Madaxweynaha oo uu sheegay in uu doonayo isbadal cusub.

Cabdiweli Gaas ayaa Madaxweynaha warbixin ka siiyey waxyaabihii looga hadlay kulankii Golaha guud ee Qaramada Midoobay, gaar ahaan arrinta Soomaaliya iyo taageerada shirkaasi loogu fidiyey dowladda cusub ee Soomaaliya, wuxuuna sheegay Gaas in ujeedadii laga lahaa shirkaasi hirgashay isla markaana Dowladda cusub fursado badan ay ka heshay shirkaasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo gabagabeeyay wadatashiyadii ku aadanaa magacaabista Ra’iisul Wasaaraha cusub, iyadoo kaliya ay harsan tahay inuu ku dhawaaqo qofka nasiibka u yeeshay inuu noqdo Wasiirka Koowaad, kaasoo la filayo inuu noqon doono waji cusub.

Advertisements

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s