Dowlada Cusub 5-Qodob wey ku fashilmi doonta hadii ay xooga saarto 3-Qodobna wey ku guleysan doonta

Dowlada Cusub ee iminka uu hoggaanka u haayo Madaxweyne Xassan Sheikh waxa ay yeelan doonta Qodobo dhowr ah oo hadii ay sameyso ku imaan doona Fashil baaxad weyn iyo waliba Qodobo hadii ay sameyso usoo dadajin kara Horumar aan la saadalin karin halka ay ku biya shuban doonto.


5-Shan qodob hadii ay sameyso Xukuumadda Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamuud wey ku fashilmi doonta Qodobadaasoo kala ah :-

1- Hadii ay bedesho Gabi ahaan Masuuliyiinta Hay’adda Nabadsugida waxaa soo wajihi doona Xukuumadda Madaxweyne Xassan Sheikh Fashil ku aadan Howlaha Hay’adaasi ay ka fulin jirtay Gudaha Dalka

2- Xukuumada Cusub hadii ay diirada saarto inay xubno ku qanciso waxa loogu yeeray Xarako ama Ururdiimeedka waxa ay lugta la gali-doonta Fashil aan laga soo kabsan doonin taasoo 20-kii sanno ee lasoo dhaafay bur-burisay dalka iyo dadka soomaaliyeed

3- Xukuumadda Cusub hadii ay gacanta u galiso fulinta amaanka Magaaladda Muqdisho Xoogaga AMISOM kana jiifato inay Ciidamada Somalia ay barto Jaceylka Dalkooda iyo waxa ay tahay wadaniyada way ku fashilmeysaa Howlaheeda ku aadan amaanka sida looga bartay xukuumadihii Somalia soo maray markii laga reebo dowladii dhexe

4- Madaxweyne Xassan Sheikh hadii uu kalsoonida u dhiibto waxa loogu yeeray ‘’Qabiilka’’ kana jiifto ahmiyada ay xinbarsantahay masuuliyada loo dhiibtay taasina waxa ay soo dadajin kartaa in xukuumadiisa lala bar-bar dhigo xukuumadihii gabay howshooda wallow madaxweynaha uu yahay aqoonyahaan buuxa

5- Dowladda Cusub hadii laga waayo qodobada soo socda .. Kontaroolka Saldhigyada waaweyn habeen iyo maalin, xisaabinta Ciidamada Dowladda magaalo iyo gobol, wey fashilantay

Sidoo kale Xukuumadda Cusub hadii ay fuliso Saddax qodob waxa ay ku guleysan doonta Rajadii ahayd in dalka iyo dadka horumar soo wajaho waxaana kamid ah qodobadaasi :

1- Xoojinta Baraarujinta Bulshada iyo ka dhaadhacsiinta ahmiyada ay leedahay Wadaniyada iyo jaceylka dalkooda, kobcinta dhalinta iyo dhiiri galinta Ardayda waxbarata. Maadama xukuumadihii hore ay ku guul dareysteen Arimahaasi

2- Dhismaha Bilicda Magaalada Muqdisho iyo Gobolada ku hareersan, iyo inay xukuumadda soo saarto Qaraar ku adan in Ardayda ka qalin jabisa Dugsiyada sare ay maraan Ciidanimo (sanad ama laba sanno) kadibna ay u gudbaan heerka Jaamacadeed

3- Koontaroolka Iskuulada iyo Jaamacadaha iyo in la xiro goobaha laga sameeyo Shahaadoyinka sharci darada ah, si looga gudbo waxa loogu magac daray Musuq-maasuq taasoo inta badan Caalamka ay ku dhaliilan Somalia sumac darano usoo jiiday dowladda markaasi talada dalka heysa .

Gabagabo iyo gunaanad Gabi ahaan Qodobada kor ku xusan waxa ay sababi karaan in Xukuumadda Cusub ay fashil usoo jiido halka qodobada kalena ay kor u qaadeyso Sumcada Xukuumada Da’da yare e iminka u curatay Shacabka soomaaliyeed dal iyo dibadba kunool

Advertisements

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s