Magaca Ninka loo Badinayo in R/Wasaare laga dhigo iyo Farmaajo oo laga Saaray Liiska Musharixiinta(Warbixin)

September 28 2012  Moment Media Group  ayaa ku hoolaneed Maalmahan uruurinta xogaha ku aadan Shaqsiyaadka ugu cad cad ee laga yaabo in Midkood Madaxweynaha u magacaabo Raizul Wasaaraha Soomaaliya iyadoona hada isku soo hareen Dhoor shaqsi oo hal beel kasoo wada jeeda.Warar hoose aan helnay Waxa ay sheegayaan in Farmaajo oo kamid ahaa Ragii ugu cad cadaa ee la Saadaalinayay in Raizul Wasaare laga dhigo in Rajadiisa hada dhimatay lagana saaray Liiska Musharixiinta laga yaabo in Midkood lasoo xusho.

Moment Media Group ayaa soo ogaatay Qaar kamid ah Sababaha Farmaajo looga saaray Liiska Musharixiinta Raizul Wasaare waxaana Xogaha aan helnay sheegayaan in La taliyaasha Madaxweynaha iyo Xubno kale oo isugu jira Soomaali iyo Ajaaniib ay ku taliyeen in Farmaajo aan loo soo magacaabin Raizulo Wasaare maadaama arintaan Fadeexad ka dhalatay lacago la lunsaday Sameenta Qurbo jooga Soomaaliyeed

Dadka ku taliyay Farmaajo in aan lasoo xulin ayaa waxa ay ku sheegeen in uu yahay Shaqsi Fud fudud aan la jaan qaadi Karin Siyaasada Dalka Xiligan la doonayo in lagu Hogaamiyo ,waxa kale sheegeen in Farmaajo uu aad uga liito dhinaca Diblamaasiyada oo xiriir wanaagsan uusan la laheen Dowladaha iyo Hay’adaha Soomaaliya Saaxiibada la ah bixiyana Dhaqaalaha ay kusocoto Dowlada Soomaaliya .

Sababaha kale ee Farmaajo Liiska looga saaray ayaa lagu ciladeeyay in Wax walbo uu Madaxweynaha Hor maro iyo Wax qabad la taaban karo la yimaado loo Nisbeeyo in Farmaajo uu keenay sidaana uu Madaxweynuhu ku noqdo mid saameyn yar maadaama Bulshadu ay aad u aaminsan tahay Farmaajo .

Waxaa kale Xerta Madaxweynaha ku hareereesan ka cabsi Qabaan hadii Farmaajo la doorto oo is fahmi waa soo kala Dhax galo Madaxweynaha iyo isaga in halkaasi ku fashilmaan Farmaajana uu afgambiyo maadaama uu heesto Taageerada ugu Badan ee Shacabka iyo Ciidamada.

Farmaajo waxaa sidoo kale Mucaaraday oo kasoo horjeestay in la Magacaabo Hay’adaha Qaramada Midoobay gaar ahaan kuwa u Qaabilsan Soomaaliya iyo sidoo kale Ciidamada AMISOM ee iyagu Dowlada Ilaaliya si weyna uga soo horjeeda in Farmaajo la Magacaabo arimo iyaga u gaar ah darteed.

Waxaana hada isku soo haray markii la reebay Farmaajo dhoor Shaqsi oo dhamaan kasoo jeeda Beesha Mareexaan waxaan ugu cad cad oo loo badinayaa in Raizul Wasaare loo Magacaabo Maalinta Sabtida ama Axada soo socota Ninka lagu Magacaabo Maxamed Barre oo ah Nin isku beel kasoo wada jeedaan Raizul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Farmaajo ee hada Liiska laga Saaray.

Maxamed Barre waa Nin aqoonyahan ah oo kasoo baxay jaamac kutaala Dalka Pakistaan waxa uuna kasoo Shaqeeyay Hay’ada CRD sida aan xog ku helnay ,sidoo kale waxa uu qaab la taliye ahaan iyo shaqaale aan joogta aheyn ula soo shaqeeyay Hay’adaha UN-KA- ee ka hool gala Soomaaliya, mana ahan Ninkan nin qurbo joog ah wadanka ayuuna waqtigiisa inta badan ku sugnaa.

Maxamed Barre ayaa sidoo kale kamid yahay xisbiga uu Hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ,waxa sidoo kale Saaxiibo aad u dhaw yihiin faarax Sh. C\qaadir oo ah hogaamiye saameyn badan ku leh Madaxtooyada, raga oo la tashana ugu horeeyo Madaxweynaha ,kana shaqeeyay in la doorto ,waxaa sidoo kale Maxamed Barre Faarax isla soo dhigteen Jaamac ku taala Dalka Pakistaan ,waxa ayna mudo kuwa sugnaayeen Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.

Inkastoo Siyaasadu tahay mid is rog rog badan ayaa hadana saadaasha la bixiyay iyo xogihii ugu Dambeeyay aan Caawa ka helnay ilo ku dhaw Madaxweynaha waxa ay sheegayaan in Maxamed Barre %60 uu yahay shaqsiga ugu cad cad ee loo Magacaabayo Raizul Wasaaraha kadib markii Daaqada laga tuuray Farmaajo.

Raga kale ee iyana laga yaabo in ay Saameyn la yimaadaan Raizul Wasaarana loo Magacaabo marka laga Reebo Maxamed Barre waxaa kamid ah.

C/Wali Sheekh Axmed oo kasoo jeeda beesha Mareexaan, gaar ahaan reer Ugaas, waxaana dhalay sheekh caan ka ahaan jirey gobolka Gedo , Waxa uuna ninkaan muddo ka shaqeyeynay bankiga Islaamka xaruntiisa Jidda, waxa uuna hada ku jiraa Raga ugu cad cad Liiska uu Madaxweynaha gacanta ku hayo.

Maxamed Axmed Sh. Cali Buraale ( Doodishe) waxa uu isna kamid yahay Raga la hadal hayo in lasoo Magacaabo Raizul Wasaare ,inkastoo Warar aan helnay Sheegayaan in Ninkan uu isna daaqada ka baxay oo laga saaray Liiska Musharixiinta Raizul Wasaare uuna Shaqo fiican ka helay Hay’ado carab ah lagana yaabo in uu Dalka Qadar u guuro, waxaana dhici karta in saameyntiisa dib usoo laabato oo Raizul Wasaare laga dhigo maadaama uu ku jiro Xisbiga raga ugu saameynta badan ugana sareeya.

==================

The best style is the style you don’t notice.Prof.Ibrahim

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s