Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka biya diiday qorshe Culus oo ka yimid kooxda uu kamid yahay ee Dhiiga Cusub

September 28 2012 (Moment Media Group Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud ayaa lagu soo waramayaa inuu gaashaanka u daruurey soo jeedino uga yimid kooxda Damjadiid ama Dhiiga Cusub ee xafiiskiisa ku harereysan, kasoo ay ku doonayeen in ay kusoo magacabaan xilala kala duwan oo ay ku jirto jagada Raizul wasaraha.

Ilo wareedyo ku dhaw dhaw xarunta madaxtooyada ayaa tibaaxaya in madaxweynuhu aad ula yaabay soo jeedin ka timid kooxdaas oo ahayd in jagada Reysalwasaraha loo magacaabo sadex nin midkood, kuwaasoo kala ah C/wali Sh. Axmed, Saacid faarax garaad iyo Maxamed barre.

Sadexdaan shaqsi ee madaxweynaha loo gudbiyey ayaan ku jirin dadkii uu doorbidayey madaxweynahu iyo waliba soo jeedinadii ka timid bulshada oo uu la tashiyada la sameyey.

Laakiin Ragan waxaa kala wata niman ku jira kooxdan, waxayna si dhaba ugu heshiin wayeen hal mid oo ka mid ah nimankaan sadexda ah , sidaasna waxay ku go’aansaden inay sadexdaba u gudbiyaan Madaxweynaha si uu mid isagu uga doorto.

C/wali Sheekh ayaa waxaa riixaya rag ay ka midyihiin Dr. Doodishe, Cumar daahir iyo C/kariin Xuseen Guuleed, halka Maxamed Barre uu ku dhaganyahay Faarax C/qaadir, sidoo kale Saaciid Faarax Garaad ayaa waxaa aad ugu oleyenaya dhowr nin oo ay aad iskugu dhawyihiin , kuwaas oo kala ah Cabdi Maxmed Abtodoon, C/raxmaan Xuseen Odawaa iyo ninkale oo lagu magacaabo Abti doon oo isna ka mid ah kooxdan. 

Madaxweynaha ayaa sidoo kale diiday qorshe niman ka tirsan kooxdaan lagu doonayey in loogu magacaabo wasiiro, kuwaas oo madaxweynuhu u arkay dad aan khibrad lahayn, wuxuuna ku sheegay saaxiibadiis in xiligan ay lagama maarmaan tahay in dalku helo dad aqoon balaaran iyo khibradba u leh howsha loo dhiibayo.

Sida wararku sheegayo, Madaxweynuhu waxaa uu ka dalbadey raga u dhow dhow in ay dib ugu laabtaan codsiyada yaalla ayna dib usoo kala hufaan, wuxuuna sidoo sheegay in aan lagu ekaan dadka codsiyada soo gudbiyey oo kaliya laakiin laga fa’iideysto dadka kartida iyo aqoonta leh ee meel walba jooga.

Madaxweynaha ayaana la Filayaa in Maalinta Axada ama Sabtida Beri ah uu ku dhawaaqo Raizul Wasaaraha Soomaaliya iyadoona Wararkii ugu Dambeeyay ee Madaxtooyada ka helnay sheegayaan in Ninka lagu Magacaabo Maxamed Barre uu ugu cad cad yahay in Raizul Wasaare in loo Magacaabo.

================

The best time for planning a book is while you’re doing the dishes.Prof.Ibrahim

Advertisements

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s