Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud qaladki ugu horeeyay uu galay marki uu C/weli Gaas u diray shirka QM

Cabdiweli Gaas oo dacwad ka gudbiyay Madaxweyne Xasan Sheikh.

Sep 28, 2012 |Moment Media Group Wararka soo gaaraya xarunta QM ee magaalada New Yor ayaa waxa ay sheegayaan in R/wasaarihi hore ee Soomalaiya C/weli Maxamed Cali uu barbar maray hoowshi uu u idmaday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud taa oo ahayd in uu uga qayb galo shirka QM isaga oo buuxinaya booska Madaxweeynaha dalka Soomaaliya.

R/wasaarihi hore C/weli Maxamed Cali ayaa waxa uu marki uu soo gaaray magaalada New Yor durbaba waxa uu bilaabay inuu u dhaqaaqo howlihiisa gaarka ah iyo siduu mar labaad ku noqon lahaa R/wasaaraha cusub ee uu soo magacaabayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud,isagoo codsiyo u gudbistay madaxada beesha Caalamka si uu ulla yeesho kulamo gaar ah isagoo ka dhuumanaya ergada la socotay ee ku sugan New York.

C/weli Maxamed Cali ayaa waxaa laga soo sheegayaa in uu ilaa hadda la kulmay qaar kamid ah Madaxda caalamka isaga oo mid walbana ka codsanayay in lala hadlo Madaxweyne Xasan Sheekh si uu isaga u soo magacaabo unna noqdo R/wasaaraha cusub ee Soomaaliya maadaama aan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kaligii lagu halayn karin talada dalka.

Madaxda uu lakulmay R/wasaarihi hore ayaa mid walba waxa uu ka dhaadhicinayay in uu yahay ninka keenay Nabada iyo Kala Danbaynta hadda ka jirta Soomaaliya gaar ahaana caasimada iyo nawaaxigeeda, ninka suura galiyay madasha Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud lagu doortay iyo inuu yahay ninka mudan in dib loo soo magacaabo si Madaxweyne Xasan Sheekh uu dhaq-dhaqaaqiisa isha ugu hayo.

Moment Media Group oo si hoose ulla xiriirtay mid kamid ah ergada Dowladda Soomaaliya oo ka gaabsaday magaciisa ayaa waxa uu inoo sheegay “C/weli Gaas umma imaan New York Dan Soomaaliyeed Ee Waxa Uu U Yimid Danihiisa Gaarka Ah, waxaana qaladka Leh Madaxweyne Xasan Sheekh in uu soo diro R/wasaare dowladiisi dhacday kusimena ah oo waqtigiisa dhamaaday ma aysan ahayn,waxaana kuu sheegayaa C/weli Gaas xataa waxaan maqalnay inuu Madaxweeynaha dacwad ka gudbiyay isaga oo u sheegay beesha Caalamka in Madaxweeynaha ka tirsan yahay urur Diimeed, islamarkaana aan lagu haleen karin kaligii talada dalka Soomaaliya, Madaxweynaha waxa ay ahayd in uu shirkan usoo wakiisho Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ee ma,ahayn in uu Gaas usoo diro halkan”. waa sida uu hadalka u dhigay mid kamid ah ergada ka socotay dowladda Soomaaliya oo ku sugan Xarunta QM ee magaalada New York.

Ergaygan ka tirsanaa ergada Soomaaliya ee shirka QM oo sii wata hadalkiisa ayaa waxa uu sheegay “Waxaa kaloo jira in uu ka codsaday R/wasaarihi hore Madaxda uu la kulmay in uu ka codsaday in ay u qoraan warqado codsi ah Madaxweynaha Soomaaliya in uu dib u soo magacaabo C/weli Gaas, arintaan dib u magacaabida C/weli ayaa waxaa aad ulla ololeenayay Ambassador MAHIGA oo isaga qudhiisa u qoray warqad codsi ah oo ku socota  Madaxweynaha Soomaaliya in uu dib u soo magacaabo C/weli Gaas.

Isku soo wada duub oo waxaa dadka indha indheeya siyaasada waxa ay isku raaceen in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud qaladki ugu horeeyay uu galay marki uu C/weli Gaas u diray shirka QM ee ka dhacayay magaalada New York arintaas oo ay ku macneeyeen nin xil doonaya ma aysan ahayn inuu u dirsado beesha Caalamka iyo shirka QM ee magaalda New York, waxaana ka haboonayd in uu soo diro shirka gudoomiyaha Baarlamaanka Dr. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Advertisements

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s