Madaxweynaha dowlada Somalia oo maanta kulan la qaatay xubno ka tirsan ururada bulshada rayidka

 

 

War-saxaafadeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan kula qaatay xafiiskiisa ururrada bulshada rayidka ee ka howlgalla gudaha Dalka.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa Madaxweynaha Dalka iyo xubnihii ka socday ururrada Bulshada rayidka ay isla falan qeeyaan sida xiligan wax looga qaban karo xaaladda dalka iyo doorka ay ku yeelan karaan samatabixinta iyo hormarka umadda Soomaaliyeed ururrada Bulshada Rayidka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo kulanka khudbad ka jeediyey ayaa tilmaamay in Dowladiisu ay la dagaalameyso (MUSUSQ MAASUQA) si loo helo dowlad tayeysan oo gudata waajibaadka ay ka sugayaan shacabka Soomaaliyeed ayadoo dhanka kalena uu Madaxweynuhu tilmaamay in dowladdu ay adkeyn doonto amniga Dalka.

Maxamed Gacal Abkoow oo ka tirsan ururrada Bulshada rayidka oo kulanka khudbad ka jeediyey ayaa tilmaamay in ururrada bulshada rayidka ah ay gacan ka geysan doonaan sidii loo wacyi gelin lahaa dhalinyarada horey loo qalday si ay uga qeybqaataan hormarka dalkooda maadaama ay dhalinyaradu yihiin mustaqbalka dalka.

Kulanka ayaa kusoo gebageboobay jawi wanaagsan waxaana kulankan uu qeyb ka yahay kulammo uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud la tashiyo kula sameynayo qeybaha kala duwan ee bulshada kuwaasi oo la xiriira samatabixinta iyo hormarinta Dalka.

-Dhamaad-

Advertisements

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s