Cali Daacuun “Kooxda Damjadiid waxey madaxweynaha ku sanduleynayaan inuu R/wasaare u magacaabo nin iyaga ka tirsan, haddii ay taasi dhacdana…”

September 28 2012  Moment Media Group –Cali Max’ed Axmed oo dadka badankii ay u yaqaanaan (Cali Daacuun) ahna siyaasi in muddo ah mucaarad ku ahaa TFG-dii Mbaghati, laguna xusuusto in muddadii uu socday shirkii Kenya uu dabaq iska soo tuuray isagoo sida uu sheegay qoonsaday xadgudub loo geystay xaqii ay beesha Hinjiya ku laheyd dowladda oo la duudsiiyey, waxaana Cali iminka uu u soo jeediyey madaxweynaha cusub Prof. Xassan Sheekh Max’uud inuu si taxadar & mug leh kaga fiirsado cidda uu u magacaabayo R/wasaaraha.

“Ururka Damjadiid ee uu madaxweynuhu ka tirsan yahay waxey u xusul duubayaan inay ku sanduleeyaan madaxweynaha in R/wasaaraha laga soo xulo xisbigooda ama nin iyaga ay rabaan, haddii uu madaxweynuhu taa yeelana waxey noqon doontaa tillaabo fashil keenta” ayuu yiri Cali Max’ed Axmed (Cali Daacuun), wuxuuna intaa ku daray in xisiga Damjadiid ee ku guuleystay doorashada in ay heleen guul kedis ah oo aysan fileyn.

“Madaxweynuhu wuxuu la mid yahay shaqsi sagaaro dabin u dhigtay dabadeedna uu baciid ugu dhacay, haddana garan waayey si uu yeelo, taasina waxey keentay in wixii loo doortay ay ku cuslaadaan” ayuu yiri Cali Daacuun.

Cali wuxuu sheegay in gobolada Waqooyi ay xaq u leeyihiin jagada R/wasaarenimada, waa haddii la xushmeynayo saamiga awood qeybsiga ah ee Koofur & Waqooyi.

“Dowladani waa dowlad rasmi ah, ma ahan KMG waana in saami qeybsiga madaxweynuhu aad u ilaaliyo, waana in R/wasaaraha la siiyaa gobolada Waqooyi ee Soomaaliya, xaq bey u leeyihiin maadaama dowladdu ay tahay dowlad rasmi ah, haddii kale waxaa imaan doono kala go’, haddii uu kala go’ yimaadana waxaa mas’uul ka noqon doono madaxweynaha & baarlamaanka, Mar 1-ad, 2-aad, iyo mar 3-aad waxaan ku celinayaa in madaxweynuhu ka fiirsado magacaabista R/wasaaraha, oo habka awood qeybsiguna uu noqdaa Koofur & Waqooyi” ayuu yiri Cali Daacuun.

Cali wuxuu difaacay xubno uu sheegay in madaxweynaha ay ku gacan siiyeen inuu doorashada ku guuleysto, wuxuuna u soo jeediyey inuu fuliyo heshiisyadii uu xubnahaasi la galay, ilaa inta suurtagal ahna uu ku dedaalo inuu dowladda cusub ku soo daro.

“Madaxweynaha Xasan Sheekh waa inuu gartaa ciddii la soo kifaaxday ee u codeysay, oo ay ku heshiiyeen in ay dambarka wada qeybsadaan, waa inuu gartaa oo uu siiyaa xaqooda” ayuu yiri Cali daacuun, wuxuuna aad uga soo horjeestay in madaxweynuhu ka shaqeeyo inuu dalku kala go’o.

Advertisements

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s