Aqoonta iyo qabyaaladduu Soomaalidu miyay isla qabsadeen?

Thursday, September 27, 2012 (Moment Media Group) -Dadka yaqaanna culuunta barashada iyo la tacaallida ili-ma aragtida ee loo yaqaanno microbiology waxay sheegaan in ili-ma aragtida lagula dagaallami karo dawooyinka lagula tacaalo caabuqa ee loo yaqaanno Antibiotics-ka, hadii uu VIRUS yahayna dawo malaha lkn TALLAAL iyo ka hortag ayaa loogu roonaadaa.

Laakiin nasiibdarro waxaa 60-kii sanadood ee u dambeeyey sii xoogeysanayay heshiiska (Isla qabsiga) ka dhexeeya cudurrada iyo caabuq dilihii lagula dagaallami lahaa taasoo keentay inay cudurro badani xakamaha goostaan.

Waxaan sheekadan usoo ergaystey markaan arkay bahdii aqoonta u saaxiibka ahayd ee dalkeenna Soomaaliya oo u muuqda kuwo banaanka ka taagan ama dabada uga taagan horumarkii dalka, talo xumo ha u gayso ama tabtii ay barteen si xun ha u adeegsadeene, aqoontii dalku qabyaalad bay qaraabo la noqotay oo sida tusaalaha sare ka muuqata waxaa isla qabsaday QABYAALLADII iyo AQOONTII Soomaalida.!

Waxaan tusaale usoo qaadan karnaa qaska dalka ka taagan iyo basiinka lagu shido oo ah QABYAALAD ayaa la yiri xal halloo raadsho markaasaa la yiri GAAS halugu sii shubo si holucu u yaraado markaas ayaa shirkii Carta laga soo saaray qaab qaybsiga khaldan ee 4.5.

Intaa loogama harine 4 sanadood kadib baa Kenya la iskugu tegey markaas baa waxaa kasoo baxday FEDERAAL wareersan oo markii 4.5 oo lagu biiriyo qabyaaladii aan caanka ku ahayn noqotay sidii qof CHOLESTEROL la bistii ah oo SUBAG IDAAD lagu daaweeyey.

Beri baa waxaa xaflad aroos ah iskugu yimid LIBAAXYO markaasay yiraahdeen aan ciyaarno, jeer ay ciyaartu meel wanaagsan marayso ayaa waxaa kusoo dhex dhacay JIIR/DOOLLI Libaax iska yeel ah markaasaa la yiri: ‘’War maxaad tahay markaasuu yiri: ‘’Libaax baan ahay’’ markaasaa la yiri: ‘’Ma adigan jiirka ah baa Libaax ah?’’ Markaasuu yiri: ‘’Libaax baan ahaan jirey lkn aroos xun baan ka ciyaaray markaasaa DOOLLI la iga yeelay’’.

Waxaan uga dan leeyahay aqoontu waa sharaf, waa awood, waa caqli, waa aragti, waa iftiin lkn marka aad warac-gediso oo aad dhanka xun u weeciso waxay noqonaysaa cudur laayaan ah oo tallaal iyo dawo lahayn waayo FIDNADII cilmi lagu maleegaa way ka cillad wayn tahay middii jahli abaabulo. Sidoo kale sida jiirkaa libaaxa ahaan jirey ayaad booskaagii kasoo dhacaysaa oo hoos usoo dhaadhacaysaa.!

Maanta waxaa loo wada dheg taagayaa khabarka kasoo dhici doona dalkii aan u dhalanay (Dhawaq khayr leh Allaha ka keenee) iyadoo la sugayo wasiirka 1-aad oo horseed u noqon doona xukuumadii dalka ka talin lahayd 4-ta sanadood ee soo aadan lkn dadku isku aragti iyo isku waaqiciyad midna maaha.

Waxaase ugu daran markii aan arkay qof 20 sano iyo sugood qurbe joogey ee arkay sida aysan waxyaabaha rakhiiska ah ee nakala qoqobay aysan aduunka qaado bariis ah uga gooynin oo ku leh: ‘’Waxaan ahay AQOON YAHAN, DR, PROF, MACALIN, WERIYE, SIYAASI, IWM oo misna la dhacsan in qof QABIILKIISA ah xilka loogu dhiibo yaad tahay darteed taasoo muujinaysa in aqoontii iyo waaya aragnimadii qofkani aanu midkoodna waxba ka bedelin qaabkii khaldanaa ee uu u fikirayeen dadka caadiga ah ee FADHI-KU-DIRIRRADA jooga.

Tan iyo markii ay Soomaaliya gob noqotay 1960-kii waxyaabaha ugu waawayn ee dib u dhigay isla markaana dhufaanay inaan nidaam dowli ah oo bisil la nimaado waa QAYBAALADDII oo xafiiskii dowladda la geeyey taasoo uu mas’uul ka yahay nin AQOON sheeganaya maantana isla ninkaas ayaa dadka bari kara inay iska iloobaan in xafiiska dowladdu uu noqdo NAAS U IRMAAN cid gaar ah, hadii sidaa la yeelana Soomaaliya xitaa waxaa ka baabi’I lahaa waxa loo yaqaanno kursiga REER HEBEL oo ay dadka qaarkii CAYMIS ahaan u isticmaalaan iyagoo aan ku kalsoonayn qof kasoo jeeda REER QANSAX kale.

Ugu dambayntii waxaan rajaynayaa inay maalin uun iman doonto in AQOONTU ay noqoto hub si kama dambays ah u ciribtira qabyaallada iyadoo la bedelayo HAB-DHAQANKA aqoonyahanka maanta ee la qabsatay QABYAALLADDA taasoo noqotay sidii DUUMO (Malaria) adkaysi u yeelatay dawadii (Chloroquine) lagu ciribtiri lahaa waayo dad badan oo Soomaaliyeed ayaa is waydiinaya halka ay ku dhibicday aqoontii iyo sababta uu dalku u noqday mid lagu maamulo CAQLI JAAHIL ah iyo siyaasad JAR KA BOODDO ah?.

Waxaa sidoo kale muhim ah inaan ogaano in aqoonta lafteedu aysan waxba tareeynin hadii aysan XIKAMDI la soconin waayo markii qaabka AHRAAMTA oo kale loo istaajiyo shaxanka aqoonta waxaa ugu hooseeya XOGTII, kadib waxaa ku xiga wixii aad baratay oo ay tahay inay micne kuu sameeyaan, kadib CILMI ayaad leedahay, waxaa ku xiga in aad FIKRAD iyo FIIRO ka dhaxasho, markaas ayaad XIKMAD dhalaysaa iyadoo ay xikmaddu tahay tan ugu sarreeysa.!!

Waxaan jeclaan lahaa inaan qormadan kusoo afjaro maanso yar oo jacbur ah oo aan ka tiriyay dhibaatada QABYAALLADA iyo qamuunyada ay leedahay oo aan u bixiyay ‘REER QURUN BARKADE MAQAL’

REER QURUN BARKADE MAQAL: Qaranimo la saanyado, 

Horumar qaaya gaariyo, Heshiisiin aan qabaniyo.

Ciidan qalab sidoo dhami, waxba qaadi maayaan.

Qiime yeelan maysaan, Oo khadkiinu wuu dhumi.

Inta qorshuhu sidan yahay, Talo way qaloocnaan.

Qaaradaha aduunkana, Injir baan ka qoranahay.

Hadaad doonto is qaad qaad, Oo qabiil ku faaniyo. 

Qiyam beena isu yeel, Qiyaastii dhabtaa tiri.

Qarnigan maanta joognaa, Qir iyo qir aan dhamaaniyo.

Qoys qoys is dila iyo, Qabtoo laysku haayiyo.

QABYAALAD laysku qoomiyo, Cashiiro is qaniintiyo.

QABALI qaaddo kuma lehe, Qoomyohow is daba qabo…!!

Advertisements

2 Comments

  1. Xaq ma ahan ee waa Xal” maku imaan karaa Xalka Soomaaliya.

    Madaxda qabqablayaasha beelaha hubeeysan weli ay maskaxdoodi ka bixin habkaasi, waxaan u sheegayaa marka hore in DHUL DADKIISA ISKA LEH, waxaana leeyahay ka fiirsada waxaad damceeysaan iyo dhulalka sheeganaysaanba, sababtoo ah, Soomaaliya manta dhibaatada ugu weyn ee haysata waa dhul kala haysasho, dowlad Soomaali ahne u dhismi la’dahay in ka badan 20 (labaatan) sano, sidaas darteed beel kastaba haku ekaadaan dhulkoodi ee yeeysaan damcin dhul aan isir iyo assalba u lahayn.
    Badbaadinta dhismaha dowladda Soomaaliya waa in loo maraa waddo ku dhisan caddaalad ” SINNAAN IYO CADDAALAD WAA AASAAKA DOWLADNIMADA ” ee yaan lala aadin dulmi ama dano qabiil.

    Awood qaybsiga habka 4.5ka ma aha mid ku qotoma caddaaladda iyo sinnaanta, wuxuuna ka soo hor’jeedaa: dhaqanka hiddaha Soomaaliyeed, maxaa yeelay beelaha Soomaaliyeed tiro ahaan aysan isla ekeyn, deegaan ahaanne ay ku kala weynyihiin ; beelaha xaqoodi nus laga dhigay laga yaabo in ay ka tiro badan yihiin beelahaas qaarkoodi ay isku tiriyaan beelaha waaweyn.

    Waxaa yaabka yaabkiisa ah in madaxdii hore ee maxaakiimta oo maantane qaarkoodi madax kayihiin dowladda ee Soomaaliya in ay ku doodi jireen habka 4.5ka inay tahay xaaraan, caddaalad darro marka loo fiiriyo dhankastaba, xagga diinta Islaamkuna iyo dhanka bulshada soomaaliyeedna ay dulmi tahay in beelaha hubeeysan laga sareeysiiyo beelaha aan hubaysneeyn ee aan dhibka geeysan, maantane nidaamkaasi ay wataan madaxdaasi.

    Madaxweenihii hore Sh. Shariif Sheekh Axmed markii la weeydiiyey sababta ay u hir’galinayaan nidaamkaasi? waxay ku jawaabeen: xaq looma baahnee xal baa loo baahanyahay iyagoo qarinaya xaqa, baadilkana lagu dhaqmo, taasoo ka soo wada hor’jeeda beelaha aan hubeesneeyn.

    Ilaa iyo maanta mala yaqaan habka xaqdarrada ah ee nidaamka 4.5ka meesha laga keenay, mana qabo dhaqanka Soomaalida, sidoo kale xittaa Sharciga Caalamka iyo Shareecada Islaamkaba.

    Haddii aan laga hor’tagin nidaamkaasi lagu qeeybin doono: xildhibaanada iyo wasiirada wuxuu u sii gudbidoonaa: agaasimayaasha guud ee wasaaradaha, taliyeyaasha militariga iyo boliiska, safiirada iyo qunsuliyiinta wakiil inooga noqon doona dowladaha caalamka iyo wixii la mid ahba iyadoo loo eegeeynin aqoonta iyo xirfadda aay leeyihiin ee lagu magacaabidoono kaliya nidaamka xaaraanta ee 4.5ka oo ah sunta ku dhex saaqan madaxda beelaha hubeeysan oo loo baahan yahay in loo helo daawo aay ku caafimaadaan.

    Haddaba, waxaa ii caddaatay in madaxda qabqablayaasha beelaha hubeeysan ee wata habka 4.5ka in aay waxba ka aqoonin taariikhda Soomaaliya khaasatan kan Qoowmiyadda Banaadiri, sababtoo ah marne maku dhawaaqi laheeyn nidaamkaasi xaqdarrada ah hadii aqoon taariiqeed aay u lahaan lahaayeen ee aqoon darro ayaa u geeysatay.

    Sidaas darteed, madaxda qabqablayaasha beelaha hubeeysan waxaan la socodsiinaa in xisbigii gobanimadoonka ee SYL oo la aasaasay taariikhda markii ahayd 15.05.1943kii oo ka koobnaa 13 dhallinyaro ah jn tiro ahaan u badnaayeen dhallinyarada Qoowmiyadda Banaadiri guddoomiyane u ahaa Xaaji Muxammad Xusseeyn; dhallinyaradaas waxaay diidanaayeen siyaasadda gumeeysiga oo aheeyd qeybi oo xukun.

    Xisbigaasi baaqiisu wuxuu ahaa: ” AXYAA WADDANI, SOOMALIYEEY TOOSOOY IYO QABIIL QARAN MA DHISO ”.

    Dastuurka xisbigaasi waxaa ugu waaweeynaa kana mid ahaa: in dalka lagu hoggaamiyo diinta iyo shareecadda islaamka, in la cirib tiro dhaqamada xun-xun

    oo aay ka mid yihiin: qabiilka iyo qabyaaladda iyo is quursiga, in la hor’mariyo aqoonta, hiddaha iyo dhaqanka fiican.

    Haddaba, madaxda qabqablayaasha beelaha hubeeysan waxaan la talinayaa inta aay fal ku kicin ama suubin sida nidaamka 4.5ka in ugu horreeyntii iney xog’ogaal u noqdaan taariikhda beelaha Soomaalida khaas ahaan taariikhda dhabta ah ee qoreyaasha caalamka ay ka qoreen Qoowmiyadda Banaadiri, qoraaladaas aad ka heli kartaan bibliyooteegyada waaweyn ee caalamka, ” AQOON LA’AAN WAA IFTIIN LA’AAN”, ” GADAAL KA GAAR WAA GOOB DUMIS ”, sababtoo ah muwaadhiniin ay u soo halgameeyn xor’nimada Soomaaliya maantane awood qeeybsiga lagu sheegaayo OTHERS ama NUS AH waa yaabee!!!.

    Sidaas daraadeed, dhammaan guddiyada ururada qoowmiyadda Banaadiri ka dhisan dowladaha caalamka iyo siyaasiyiinta, diblomaasiyiinta, odayaasha dhaqanka, indheer garadka,caalimiinta, dhallinyarada iyo hooyooyinka waxaan u soo jeedinayaa in si deg deg ah aan u wada bilaawno 3da qodob inoogu muhiimsan oo ah kuwa soo socda:

    B) In la abuuro guddi xalaal ah oo lagu magacaabaayoo: GUDDIGA DIFAACA XUQUUQDA SHACBIGA QOOWMIYADDA BANAADIRI, taasoo lagu gaari karo in aannu isku mowqif ahaano, codkeenuna uu ahaado hal kaliya, inaan ka qeeybgalno fadhi kasto la qabanaayo ee kusaabsan dib u dhiska dowladda Soomaaliya iyo dib u heshiisinta khilaafaadka ka taagan dowladda ku meel gaar ah iyo beelaha ka soo hor’jeeda oo annaga ka mid nahay ;

    T) si loo dhiso guddigaasi waxaan soo jeedinayaa in guddiyaasha ururadeena inooga dhisan dowladaha caalamka in ay soo magacaawdaan 2/3 qof si aan go’aan uga gaarno meeshii isku imaan laheeyn anigoo talo ahaan u soo jeedinaayo magaalada Genève ee waddanka Iswiiska.

    J) ka qeybgalkeeynu shirarka la qabanaayo ee arrimaha dowladda Soomaaliya in doodeenu uu ahaado sidii aan ku soo cesha laheeyn xuquuqdeena iyo dhulkeenaba ” XUQUUQ IYO DHUL DHIMANAAYO WAA LOO DHINTAA ”

  2. Si is-beddelka taariikhiga ah u dhameystirmo waxaa loo baahanyahay in Ra’iisul Wasaaraha cusub laga dhigo qof “u dhashay” Reer Banaadir – dadka loo yaqaan – Asligii.
    Si waxaan oo wada cusub loo soo dhoweeyay, ayaa loo soo dhoweyn lahay Ra’iisul Wasaare oo laga magacaabo qowmiyadda Reer Banaadir.

    Iyagoo ay iga mudan yihiin ixtiraam iyo sharaf weyn, waxay ila tahay, iyadoo la dar-yeelaayo danta guud ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed, oo xaqana ay wada gaarto dhammaan Soomaalida in markaan mansabka ama xilka Ra’iisul Wasaaraha aan loo dhiibin qof ka mid ah dadkii horey u soo qabtay. Waa hubaal haddii qof Reer Banaadir ah lagu aamino hawshaas in si habsami ah uu u gudan doono waajibkiisa qaran dalkana ku maamuli doono sinnaan iyo cadaalad.

    Lixdan sano ku dhowaad ayaa laga joogaa inta aan sheeganayno dawladnimo. Ma jiraan, haba yaraatee, wax lagu amaani karo dadkii ilaa hadda dalka soo maamulay? Sababaha waxay u badan yihiin in dadka loo magacaabay Ra’iisul Wasare aysan lahayn awood uu xitaa booqasho hawleed ugu tago meelo ka mid ah dalka gudahiisa iyadoo loo aaneynaayo xiriirka ka dhexeeyo qabiilkiisa iyo qabaa’ilka deggan meelaha kale oo aan fiicneen.

    Reer Baanaadir waa wadani, waa daacad iyo in uu wax dhiso ma ahee, wax ma dumiyo. Soomaalida kale cid aan lagu dayin hawshaas ma jiraan ilaa hadda oo waxii ay dalka u soo qabteen natiijadiisa ma qarsana, micnaa waa “Eber” ama “Zero”.

    Dhanka nabaddana, Reer Banaadir cid ay cadaw la yihiin ama col ka yihiin ma jiraan. Sidaas darteed, madaama uu qof kasta wada hadal la yeelan karo Ra’iisul Wasaare reer Banaadir ah sida ugu sahlan ayuu u keeni karaa nabadda uu shacabweynaha Soomaaliya u baahanyahay si uu noolashiisa u hor-mariyo iyo ilmahiisa u korsado.

    Madaama uu dalkenna maraayo duruufo adag, suurto gal ma aha in hoggaanka uu ku dhex wareego isla dadkii lixdan sano wax natiijo wax-ku-ool ah ummadda tusi waayay.

    Waxaan Mudane Madaxweyne Xasan Shaikh Maxamuud u soo jeedinaayaa in uu siiyo tixgelin gaar ah fikraddaan ah in uu Ra’iisul Wasaaraha cusub ka dhigo qof Reer Banaadir u dhashay. Waa hubaal in 100% qaranka Soomaaliyeed, gaar ahaan wakiiladooda ku jira Baarlamaanka ay gacmo furan ku soo dhoweynaayaan go’aan noocaan ah oo noqon doono mid taariikhi ah.

    Waxaan rajeynaa in boggaan cusub oo bilawday 10kii Sebtember 2012 uusan noqon boggii kowaad ee 20ka sano soo socda oo sida kuwii hore oo burbur ma ahee aan barwaaqo u keenin dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

    Laga soo bilaabo 1949 waxaa ii soo baxay in 20 sano walba ama ku dhowaad, in dalka lala degay oo dumis ma ahee aan daryeel dhicin: 1950-1969 (19 sano) siyaasadda Soomaaliyeed waxaa faraha ku haayay AFIS/SYL. Laga soo bilaabo 1969-1991 (22 sano) Maamulkii Military ayaa gacanta ku haayay. Sannadahii 1991-2012 (21 sano) Dagaal Oogeyaal iyo Dawlado kmg ayaa soo haayay.

    Bishaan Sebtember 12, 2012, waxaa bilawday 20kii sano oo magaca iyo sumcadda Soomaaliyeed dib loogu soo celin lahay, haddii Shacabka Soomaaliyeed uu helo hoggaan wax garad ah oo ugu shaqeeyo si haggar la’aan. Madaxweynaha cusub Mudane Xasan Shaikh Maxamuud waa in uu noqdaa nin geesi ah oo u daneenayno ummadda iyo dalka Soomaaliyeed si ay gaaraan bash-bash iyo barwaaqo asiga oo miiska soo saaraayo Card-ka aan weli la isticmaalin oo ah in uu Magacaabo Ra’iisil Wasaare oo Reer Banaadir u dhashay.


Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s