Madaxweyne Xasan Sheekh Sidee Buu Ka Yeeli Doonaa Ballanqaadyadii uu Sameeyay Doorashada Ka Hor?

Muqdisho (Moment Media Group) Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa haatan ka fekeraya wixii uu ka yeeli lahaa ballanqaadyo culus oo uu si hoose ula galay qaar ka mid ah siyaasiyiintii isaga ku taageeray ololihiisa doorashada madaxtinimada ka hor intii uusan ku guuleysan kursiga ugu sareeya hogaanka dalka / , kuwaasoo ay tahay inuu go’aan ka gaaro si dhakhso leh.

Iyadoo madaxweynuhu labadii toddobaad ee u dambeeyay uu ku jiray shaqo aan nasasho lahayn oo uu ku baadi goobayo shakhsiga noqon lahaa raysul wasaaraha dalka oo lafteeda ah hawl aan sahlaneyn go’aan ka gaaristeeda ayaa dhanka kale waxaa sii kordhaya su’aalaha isdabajooga ah ee kaga imaanaya kooxo kala duwan oo ay ugu horeeyaan siyaasiyiintaxildoonka iyo kuwa danaha kale raadinaya ee ay tahay in madaxweynaha iyo la taliyaasha ay u jawaabaan iyadoo weliba ay mudan tahay in shacabkana la ogeysiiyo.

Maamul goboleedka Banaadir State

Maalmihii u dambeeyay ayaa xafiiska madaxweynaha waxaa si xoog leh ugu soo laalaabanayey siyaasiyiinta u ololeeya maamul goboleedka Banaadir State oo ah maamul bishii Maarso ee sanadkan looga dhawaaqay magaalada Muqdisho hase yeeshee dawladii kumeelgaarka ahayd aysan aqoonsanin.   U dhaqdhaqaaqayaasha Banaadir State ayaa ku gorgortamaya in hadda la joogo xilligii uu madaxweyne Xasan Sheekh u soo gudi lahaa “deyntii siyaasadeed ee ay siiyeen” sida ay Moment Media Group ka soo xiganeyso xubno ka mid ah maamulka Banaadir State, waxa ugu weyna ay tahay inuu aqbalo jiritaanka maamul goboleedkooda oo ka hoos dhisan dawlada federaalka ee degan Muqdisho. [DAAWO SAWIRO  Dhismaha Banaadir State 

“Madaxweyne Xasan Sheekh xilligii ololihiisa anaga waxaan ku siinay garab weyn, baarlamaanka dhexdiisana waxaan ahayn kooxdii ugu horeysay ee codkooda siiyey marka maanta looga fadhiyaa inuu ama na xusuusto ama na aqoonsan waayo..” sidaasi waxaa Moment Media Group u sheegay mid ka mid ah xubnaha maamulka oo xalay xarunta madaxtooyada kula soo kulmay madaxweyne Xasan Sheekh.

Kulankii xalay iyo Villa Soomaaliya

Hogaanka iyo ragga u dhaqdhaqaaqa maamulka Banaadir State ayaa xalay kulan la qaatay madaxweynaha cusub sida Moment Media Group uu u sheegay afhayeenka Banaadir State.

Sida saraakiishan ay sheegayaan kulanka xalay ka dhacay Villa Soomaaliya iyo kulamo kale oo ka horeeyayba waxay madaxweynaha kala hadleen aqoonsiga maamulkooda iyadoo sida xogta ay noogu sheegeena Madaxweynuhu uu codsaday in dib loogu dhigo maadaama uu hadda ku mashquulsan yahay soo xulista shakhsiga uu u dooranayo wasiirka koowaad ee xukuumada laga filayo inuu soo dhiso dhowaan.

 Siiriin: Banaadir State waxay ka weyn tahay Puntland iyo Somaliland

Waxaa sida muuqata jirta xasaasiyad weyn oo laga qabo dhul ahaan deegaanada uu sheegto maamulkan, oo ka kooban saddexda gobol ee kala ah Banaadir, Shabeelaha Dhexe iyo Shabeelaha Hoose.  Dooda ugu weyna waxay tahay sida caasimada Muqdisho oo marna ah gobolka Banaadir xaruna u ah dawlada dhexe ay u noqoneyso maamul goboleed- waa su’aal u muuqata mid culus. Isla arinmtan ayay ahayd midii keentay in madaxweynihii hore Sheekh Shariif uu irdaha ka xirto siyaasiyiinta Banaadir State hindistay!.  Moment Media Group waxay ogaatay in la taliyaasha madaxweyne Xasan Sheekh aysan ku qanacsaneyn hindisaha ah in Banaadir ay ku darsadaan maamulka Banaadir State (xitaa haddii dawladu taageerto maamulkooda) laakiin taasi ma aqbalayaan siyaasiyiinta hogaaminaya maamulkan oo deegaan ahaan ka soo jeeda Muqdisho?  (AKHRI DKMG OO DIIDAY BANAADIR STATE )

Madaxweynaha Maamul goboleedka Banaadir State, Maxamed C/raxmaan Cali “Siiriin”

Madaxweynaha maamulka Banaadir State Maxamed C/raxmaan Cali “Siiriin” oo dhowaan Moment Media Group la hadlay ayaa ku dooday inuusan ogeyn sabab loogu diido maamulkiisa saddexda gobol ee uu sheeganayo isla markaana uu qabo in maamulkiisu uu kaabe u yahay dawlada dhexe ee habka federaalka ku saleysan.

“Banaadir waxaa ku nool 3 milyan oo ruux halka labada Shabeelle ay midkiiba ku nool yihiin illaa 1.5 milyan, marka maamulkeenu wuxuu hogaan u yahay lix milyan oo Soomaali ah” ayuu yiri Miudane Siiriin oo ku dooday in tiradaasi xitaa aysan ku nooleyn gobolada Puntland iyo Somaliland marka midkasta gaarkiisa loo tiriyo.

Ragga sida weyn ugu ololeynaya Banaadur State waxaa hadda ku soo biiray xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali oo ahaa musharixii wareega koowaad ee tartanka doorashada madaxweynaha ka helay 27 cod, lana ogaa inuu markii dambe ku wareejiyey codadkiisa madaxweyne Xasan Sheekh si uu uga guuleysto Sheekh Shariif oo codad gaaraya 64 ku hogaaminayey wareegii koowaad.  Dabcan maalgelintaasi C/qaadir Cosoble bilaash uma sameynd ee waa inuu helaa abaalmarinteeda.

Aqbalaada iyo diidmada Banaadir State waa xujo adag oo madaxweyne Xasan Sheekh laga rabo inuu furo.  Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa isaguna dhankiisa ka dhisaya maamul goboleed uu ku magacaabay “Koonfur Galbeed” [  WARBIXIN  (AKHRI WARBIXIN HORE)  ka kooban lix gobol oo kala ah; Gedo, Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe, Baay, Bakool iyo Shabeelaha Dhexe oo ah Banaadir State sheeganeyso.Markaasi haddii dawlada dhexe ay sharciyeyso Banaadir State waxaa iyaguna weelashooda soo hoorsan doona siyaasiyiita kale ee maamul goboleedyada kala magacyada faraha badan wata.

Maamul u sameynta Jubbooyinka

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu farriin rasmi ah oo uu toddobaadkii hore u diray dawlada Kenya ayuu kaga codsaday in gebi ahaan la joojiyo qorshe Kenya hormuud ka ahayd oo lagu doonayey in “maamul teed u ah”  loogu sameeyo gobolada Jubbooyinka kaasoo Kenya ay u rabtay inuu rasmi ahaan saldhigto magaalada Kismaayo marka duulaankeeda ka dhanka ah Al-Shabaab lagu guuleysto.  Maamul sameynta Kenya waa uu ka gedisan yahay qorshaha Shariif Xasan ee Koonfur Galbeed.

Dhismaha maamulka Jubbooyinkaayaa ad badan u arkeen mid xasaasiyadiisa wata maadaama qabiilada deegaankaasi aysan isku si u wada arkin hawlgalka Kenya iyo ciidamada kale ee wehlinaya ee la rumeysan yahay in qabiilo gaar ah u badan yihiin.

HOOS KA AKHRI BAYAAN BANAADIR STATE KU TAAGEEREEN MADAXWEYNAHA CUSUB

Advertisements

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s